Puntland oo $18 million oo dollar ku bixisay si meesha uga saarto shirkadda P&O

Garoowe (Aftahannews)- Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee maamul goboleedka Puntland, Axmed Yaasiin Saalax, ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay meesha ka saaraan shirkadda P&O port oo gacanta ku haysay dekeda Boosaaso.

Wasiirka dekedaha oo BBC Somali u waramayay, ayaa sheegay inay Puntland $18million oo dollar ay ku kharashgaraysay sharci yaqaanno u dooddayay si meesha uga saarto shirkadda P&O port.

“Maxkamad bay tagtay arrintu, waad dareemi kartaa markaad maxkamad tagaysid waxaad u baahan tahay dad sharci yaqaanno ah oo maxkamadda kaa difaaca oo dooddaada gudbiya. Waad dareemi kartaayo lacag fudud ma aha, oo lacag illaa $18million ayay kharashgaraysay inay qareennada ku baxaan,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in labada dhinac ay isla gaadheen meel adag, inkastoo uu sheegay in markii dambe shirkadda D-P world ay bixisay magdhow la siiyay shirkadda P&O, taasoo sheegatay in khasaare weyn uu ka soo gaadhay dekeda Booosaaso.

Axmed Yaasiin, waxa uu sheegay in Puntland ay dib u eegis ku sameeysay heshiiska dekeda Boosaaso, islamarkaana la kordhiyay saamiga uu maamulku ku yeelanayo wax soo saarka dekeda Boosaaso.

Puntland ma aanay sheegin magaca shirkadda lagu beddelay shirkaddii hore, waxaase lagu heshiiyay in dhismaha ballaadhinta dekeda dib loo bilaabo bishan May, iyadoo DP-world ay soo dirtay Engineero qiimayn ku sameynaya dekeda.