Aabbaha dhalay Gabadh Sarkaal Ciidan ku Dilay Hargeysa oo Dalbaday in loo Dilo

Hargeysa (Aftahannews)- Cabdillaahi Maxamed oo ah Aabaha dhalay Najma Cabdillaahi Maykal oo xalay lagu dilay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa uu si adag uga hadlay dilka gadhiisa.

Najma Cabdillaahi Maykal, ayaa xalay waxaa toogtay Askari ka tirsan ciidamada Somaliland iyadoo wadatay gaadhi, xili ay maraysay agagaarka maxkamada oo madaxtooyaduna ka ag dhowdahay.

Abaaha dhalay Najma Cabdillaahi oo warbaahinta la hadlay, ayaa Askariga ku eedeeyay inuu si badheedh ah u dilay inantiisa, isaga oo u hiilinayay walaashii oo ay Najma is afdhaafeen, sidaa darteeda uu u dilay “Walaashii ayay is dileen oo uu u aarayay, hiil ayuu ahaa”.