Safiir hore oo Mareykan ah oo lagu helay dambi la xidhiidha Ka Shaqaynta Danaha Qatar

Washington (Aftahannews)- Safiir hore oo Mareykan ah, ayaa qirtay dambi ah inuu si sharci darro ah ugu ololeeyey dowladda Qatar, islamarkaana uu aqbalay safar raaxo, isaga oo ah danjiraha Mareykanka ee Pakistan, sida ay muujiyeen dokumentiyo maxkamadeed.

Richard Olson, oo sidoo kale soo noqday danjiraha Mareykanka ee Imaaraadka Carabta, iyo wakiilka gaarka ah ee Afghanistan iyo Pakistan, ayaa la soo taagay maxkamad federaal iyada oo lagu eedeeyey inuu jebiyey sharciga xadidaya in loo ololeeyo dal shisheeye sanad gudihii marka xafiiska laga tago.

Sida lagu sheegay dacwadda lagu soo oogay, Olosn oo xilligaas ahaa safiirka Mareykanka ee Pakistan, ayaa 2015 wuxuu magaalada Los Angeles kula kulmay nin Pakistani Mareykan ah oo u soo jeediyey la shaqeynta ganacsade ku sugan Bahrain.

Ninka Pakistani Mareykanka ah, oo aan la shaacin, ayaa kadib agaasimay safar deg deg oo ay ku aadeen London si ay uga wada-hadlaan iskaashigooda, iyada oo Olson uu ku guul-darreystay inuu shaaciyo $19,000 oo loo siiyay ticket first class, jiifka hotel qaali ah iyo cunto, sida ay sheegeen dacwad-oogayaashu.

Ganacsadaha, ayaa kadib Olson u soo jeediyey hal sano oo qandaraas ah oo ku kacaya $300,000 kadib marka uu ka tegay shaqadiisa diblomaasi, sida ku cad dukumentiyada dacwadda.

Olson, ayaa waxaa markii hore la weydiistay inuu dowladda Qatar uga ololeeyo Washington, si kastamka Mareykanka ay u ogolaadaan inay xafiis dadka lagu soo baadho ka sameystaan garoonka diyaaradah Doha, taasi oo sahleysa safarka labada dal.

Safiirka hore, ayaa waxaa kadib la weydiistay inuu dowladda Qatar caawiyo xilli ay wajaheysay xanibaadyo kaga yimid dalalka deriska la ah ee Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Taas beddelkeed, sarkaal ka tirsan dowladda Qatar, ayaa kadib ninka Pakistani Mareykanka ah u soo diray $5.8 milyan oo dollar, kaasi oo kadib la soo xidhiidhay Olson, sida dacwadda lagu sheegay.

Olson, ayaa qirtay dambiyada lagu soo oogay, iyada oo kiiskiisa laga soo wareejiyey gobolka California oo la keenay magaalada Washington.

AFP