Deni iyo Wakiilka Midowga Yurub oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tina Intelmann.

Kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Midowga Yurub, ayaa lagaga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Doorashada Soomaaliya.

Dhinacyada, ayaa isku raacay in hoggaanka Soomaaliya ay ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya ugu dhici lahayd doorashada Madaxweynaha.

Maalmihii ugu dambeeyay, ayaa wakiilada Beesha Caalamka waxaa ay wadeen dadaalo ku aadan sidii deg deg lagu qaban lahaa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, iyagoona kulamo gooni gooni ah la qaadanayay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya.