Ruushka oo Gantaallo ku Garaacaya Warshadda Birta Azovstal

Mariupol (Aftahannews)- Difaacayaasha Ukraine ee warshadda birta Azovstal ee Mariupol, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isticmaalayaan diyaarado, taangiyo iyo gantaalaha maraakiibta dagaalka si ay u garaacaan goobta warshadaha ee fidsan.

Qaramada Midoobay iyo Laanqayrta Cas, ayaa rajaynaya inay kormeeraan daadgureynta koox kale oo rayid ah oo la filayo inay maanta dhacdo, waxaa sidoo kale jiray gantaal lagu weeraray dekedda koonfureed ee Odesa.

Dhanka kale, Boris Johnson, ayaa ku sifeeyay iska caabinta Ukraine ee duullaanka Ruushka inay tahay “saacaddii ugu wanaagsanayd” ee waddankaasi marka uu khudbadda ka jeedinayo baarlamaanka dalkiisa.

Isagoo Salaasada maanta ah si toos ah ula hadli doona mudanayaasha, wuxuu sidoo kale soo bandhigi doonaa faahfaahinta saddex-da milyan ee pound ee taageerada milatari ee dheeraadka ah.

Aqalka looga arrimiyo UK ee Downing Street, ayaa waxa uu tibaaxay in kaalmadaasi milatari ay ku jiri doonaan qalabka dagaalka ee elegtarooniga ah, nidaamka radaarka ee ka-hortagga baytariyada, qalabka GPS-ka iyo aaladaha loogu tala galay in wax lagu arko habeenkii.