Somaliland: Wasiir Iska casilay Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash, ayaa goor-dhawayd shaaciyey inuu si rasmi ah isaga Casilay Xilkii Wasiirnimo ee uu ka hayey xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ma jiro war arrintan ku saabsan oo wasiirku u soo bandhigay warbaahinta, haseyeeshee xogo ay heshay saxaafaddu ayaa tibaaxay in Cabirisaaq Ibraahim uu is-casilaaddiisa maanta u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland.

Warku waxa uu intaas ku daray in madaxweynuhu Wasiirka ka aqbalay iscasilaadda uu u gudbiyey, ugana mahad-celiyey muddadii uu hayey xilka Wasiirka Gaadiidka.

Cabdirisaaq Ibraahim Ataash oo xilka wasaaradda hayay ilaa bishii September 2021 oo madaxweynuhu magacaabay, ayaa sababta is-casilaaddiisu la xidhiidhaa go’aanka madaxweyne Muuse Biixi dhawaan ku go’aamiyey furista ururrada siyaasadda.

Wasiir Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash, ayaa la filayaa inuu Khamiista Berri magaalada Hargeysa kaga dhawaaqo Urur Siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Waaberi, kaas oo ka mid noqon doona urur-siyaasadeedyada ku tartami doona doorashada saddexda Xisbi Qaran ee beddeli doona kuwa muddo-xileedkoodu dhammaaday ee Kulmiye, UCID iyo Waddani.

Cabdirisaaq Ibraahim Ataash oo hore u soo qabtay xilka Wasaaradda Isgaadhsiinta bilowgii xilligii Xukuumaddii madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa ah siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Sool.