Safaaradda Mareykanka Ee Kenya oo Sheegtay inaanay Aqoonsanayn Dukumeentiyada Somalia

Nairobi (Aftahannews) – Safaaradda Mareykanka ee Nairobi, ayaa sheegtay inaanay aqoonsanayn dukumeentiyada Soomaaliya laga soo qaato ee ay bixiso dowladda Soomaaliya.

Soomaali badan oo xaraystay barnaamijka baqtiyaa-nasiibka ee loo yaqaano Lottery, ayay arrintaan saameyn ku yeelatay, kuwaas oo dib loogusoo celiyay qoraallo loogu sheegayo in Safaaradda Mareynkanka ee Nairobi aysan aqoonsanayn dekumentiyadooda.

Arrintan waxay sidoo kale saameyn ku yeelatay dadka u safraya arrimo caafimaad, ardayda iyo qoysaska doonaya inay dib u midoobaan.

“Waan ka xunnahay, laakiin tani sideedii ayay ahaan doontaa illaa aan ka helno macluumaad ah in siyaasaddan wax laga beddelay,” ayay tidhi safaaradda Mareykanka ee Nairobi.

Arintan, ayaa ku soo beegantay xilli kumanaan Soomaali ah ay sannadkii hore xaraysteen barnaamijka Lotteryga, iyagoo  doonaya inay Mareykanka ku galaan, haddii nasiibkoodu uu saacido.