Al-Shabaab oo shaacisay Magaca iyo Qabiilka mid ka mid ah raggii weeraray Xalane

Muqdisho (Aftahannews)- Kooxda Al-Shabaab, ayaa markale warbixin cusub ka soo saartay weerarkii tooska ahaa ee dhowaan lagu qaaday gudaha xerada Xalane oo uu ku dhex-yaallo garoonka diyaaradaha Aadan Cade, sidoo kalena ay dagan yihiin ciidamada AMISOM.

Al-Shabaab, ayaa marka hore shaacisay xogta mid ka mid ah raggii fuliyey weerarkaasi oo ku bilowday qaraxyo, kadibna uu xigay dagaal ay gudaha ku galeen raggaasi.

Magaca ninkan ayay kooxdu ku sheegtay Maxamed Macalin Axmed oo (Cabdirisaaq-Juleybiib), wuxuuna ka soo jeeday Beesha Eelaay, gaar ahaan Jufada Geed Fade.

Sidoo kale Al-Shabaab, ayaa da’da ninkan ku sheegtay 24 jir ku dhashay deegaan hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, isaga oo ka qayb qaatay dagaallo kala duwan.

Wareysi laga qaaday ninkan intii uu socday weerarka, sida ay baahisay Idaacadda Andaluus wuxuu ku sheegay inay dileen dad ajaaniib ah oo isugu jiray Cadaan iyo Afrikaan, ayna sidoo kale gubeen xero ku dhex-taalla gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde

Dhinaca kale, warbixinta ka soo baxday Al-Shabaab, ayaa waxaa lagu sheegay inay dhimashadu gaadhay illaa 17 qof oo u badan ajaaniib reer galbeed ah iyo 13 dhaawac ah oo u badan Afrikaan, siiba ciidanka AMISOM ee ilaalinayey goobta uu weerarku ka dhacay.

Weerarka, ayaa dhacay xilli barqo ah, taariikhduna ay aheyd 23-kii bishan March, kaas oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Al-Shabaab, ayaa hore u shaacisay magacyada iyo qabiilada ay ka soo jeedaan raggii fuliyey qaraxyadii khasaaraha dhaliyey ee ka dhacay magaalada Beledweyne.