Faah-faahinta Qarax lala eegtay mas’uuliyiin sare oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Breaking_news-5

Wanlaweyn (Aftahannews)- Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya qarax xalay caweyskii ka dhacay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka, ayaa sheegaya in qaraxa lagu aasay afaafka hore ee hoyga Gudoomiye ku-xigeenka Dhinaca Amniga ee Degmada Wanlaweyn, Cabdullaahi Cabdulle Xasan (Gaduudow).

Qaraxa, ayaa waxaa ku dhintay wiil uu dhalay Gudoomiye ku-xigeenka, halka Gudoomiye ku-xigeenka iyo askari ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Gudoomiye Degmada Wanlaweyn, Ismaaciil Abuukar Maxamed, ayaa sheegay in xaaladda Gudoomiye ku-xigeenka ay tahay mid degan, dhaawaciisana lagula tacaalayo Isbitaalka Guud ee degmadaasi.

“Gaduudow aad ayuu u fiican yahay, wax dhib ah ma qabo, xaaladiisana way degan tahay. Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Ururka 64aad ayaa u gurmaday, haddana Isbitaalka Degmada Wanlaweyn ayuu ku sugan yahay,” ayuu yidhi Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa yidhi “Xaaladda Degmada Wanlaweyn aad ayay u degan tahay, waa la is dhex marayaa, wax dhib ahna kama jiraan.”

Gudoomiyaha, ayaa tilmaamay in uu socdo baadhitaan la xidhiidha qaraxaasi, wixii faah faahin ahna ay dib kala soo wadaagi doonaan Warbaahinta.

“Hadda baadhitaan ayaa socdo oo ku aaddan waxa uu qaraxa ahaa iyo ciddii ka dambeysay, marka uu baadhitaanka dhammaado ayaan dib ka soo sheegi doonnaa wixii faah faahin ah,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaase si dhow loola xidhiidhinayaa maleeshiyada Al-Shabaab.