Somaliland oo u digtay Taliyaha Jabhada SSC ee Buuhoodle

Wasiir Qambi

Hargeysa (Aftahannews) – Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa sheegay in aanay cidna kala gorgortamay in qas iyo Nabedgalyo daro laga abuuro Magaalada Buuhoodle.

Wasiir Cabdirashiid Qambi oo Warbaahinta la hadlay, ayaa waxa uu intaasi ku daray in aanay jirin cid uu wakiil uga yahay nabada Buuhoodle Ninka la yidhaahdo Madoobe,

Wasiir Qambi oo jawaabaya hadalo ka soo yeedhay Madoobe waxa uu yidhi”Waxa aan doonayaa in ka jawaabo Nin la yidhaahdo Madoobe oo aaga Buuhoodle jooga arimo uu wadwaday oo marba 50 Inan meel soo taaga,waxaana uu sheegay in uu Somaliland weerarayo iyo Bulshada Buuhoodle dagan.waxaana Somaliland ka go,an in aanay

cidna kala gorgortamayn wixii ficil rabshad iyo Nabedgalyo darro Umadda Buuhoodle dhexdeeda ka abuuraya mana jecla Xukuumadda nabada Buuhoodle in qas ka doorato,Xukuumadda jirtaa waa wax aad iyo aad iskaga ilaaliso waxaana aan leeyahay Nin kaas bal sheeg Garaadada Buuhoodle ee kugu yidhi Nabada Buuhoodle ayaad masuul ka tahay adiga oo qaadicil dariiq dhuumanaya ah.waxba marba jidka ha,taagin afar qof oo ha, odhanin dadka deegaanka ugu caansan ka soo daga gaadhiga,”.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in la soo hordhigi doono wixii Madoobe uu ka gaystay deegaamadaas.Waxaana uu yidhi’Waxa aad maraysaa in aad tidhaahdid Buuhoodle ayaan qabsanayaa waana is kuu mubaax,hadaad irbad dhub u gaysato walaahi in Somaliland kaaga hadhan xadka waana gabogabo in lagu soo hordhigo wixii aad gaysatay ama Laascaanood ha,ahaato ama Buuhoodle ha,ahaato iyo fidmooyinka aad Burco ku soo fidinayso raaska uu u dhashay waa Nabad doon waase jiraan dad xumaanta ku dugsanaya,Buuhoodle waa is ogtahay dagaalna loo gama sheekeeyo in badan ayaa dadka kuu dulqaadanayeen oo aan ogahay waxaasina kali ayay kugu ahaan doonaan cid kugu taageeraysaana majirto,waana la ogyahay wax jabhada oo aad tahayna majirto,culimadii in aad Magaalada ugu hanjabayso ayaan ognahay,”.