Somaliland iyo Taiwan oo kala saxeexday mashruuc lagu horumarinayo xogta cisbitaalada

Hargeysa (Aftahannews) – Somaliland iyo Taiwan, ayaa maanta waxaa ay kala saxeexdeen mashruuc lagu horumarinayo xogta isbitaalada oo ku kacaya 4 milyan oo dollar.

Mashruucan oo hab dhijitaal ah loogu badalayo kaydka xogta cisbitaalada ayaa laga hirgalin doona cisbitaalada magaalooyinka Hargaysa, Borama, Burco, Gabilay iyo Berbera, waxaana wajigiisa kowaad laga bilaabi doona cisbitaalka wayn ee Hargaysa.

Waxaana sidan lagu sheegay qoraal lagu baahiyay boga xidhiidhka bulshada ee facebook ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland.

Waxaana lagu yidhi.”Somaliland iyo Taiwan ayaa kala saxeexday heshiiska mashruuca iskaashiga horumarinta xogta cisbitaalada oo laga hirgalin doono qaybtiisa ugu horaysay cisbitaalka dowlada ee Hargeysa,”

Heshiiska, ayaa waxaa qalinka ku guuday wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan iyo wakiilka Taiwan u fadhiya Somaliland Amb Allen lou.

Taiwan, ayaa Somaliland ka gacan siinaysa sidii hab dhijitaal ah loogu badali lahaa xogta xafiisyada dowlada, iyadoo horay ay gacan uga gaysatay in nidaamka xogta ee xafiisyada dowlada iyo dowladaha hoose loo badalo dhijitaal.