Shil Baabuur oo sababay khasaare Naafeed oo ka dhacay Burco

Burco (Aftahannews) – Ugu yaraan 2 qof, ayaa ku dhintay, halka 4 qof oo kale ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togheer.

Shilkan baabuur, ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen Baabuur wayn iyo Mooto Bajaaj, marayay wadada wayn ee bari uga baxda magaalada Burco.

4-ta qof ee ku dhaawacmay shilkan baabuur, ayaa waxaa la sheegay in ay 2 qof oo ka mid ahi dhaawacoodu aad u culusyahay.

Agaasimaha Guud ee cisbitaalka Burco, DR Maxamed Faarax oo ka warbixiyay shilka, ayaa sheegay in uu shilku dhacay kadib markii ay isku dhaceen baabuur wayn iyo Bajaaj, marayay wadada wayn ee bari uga baxda magaalada Burco.

“Waxaa shil naxdin lihi ka dhacay agagaarka Plaza, oo ay is galeen gaadhi wayn iyo Tik, waxaa ku wax yeeloobay 2 qof oo dhimasho ah iyo 4 dhaawac ah, 4 ta dhaawaca ah 2 kamid ah xaaladoodu way culustahay, waaa geeri naxdin leh Alle ha u naxariisto dadka dhintay” ayuu yidhi DR Maxamed.

Agaasimaha ayaa dirawaliinta ku eedeeyay masuuliyad daro “Waxaanu aad uga xunahay masuuliyad darada dirawaliinta iyo Tikaha wadada siday doonaan u maraya, ee bini adamkii lagu khamaarayo aad baanu uga xunahay runtii”.

Somaliland, ayaa waxaa markasta laga soo sheegaa inay aad u bateen shilalka ay gaadiidku geystaan, iyada oo uu nafo badan galaafta sannadkasta, waxaana jira dadaalo xukuumadu ku doonayso in ay ku yarayso khasaaraha.