Dr Edna Adan oo loo doortay Madaxweynaha Urur Caalami ah

Washington (Aftahannews)- Dr Edna Adan Ismaaciil, ayaa loo doortay madaxweynaha Urur Caalami ah oo u dhaq-dhaqaaqa Xuquuqaha dalalka aan xubnaha ka ahayn Qaramada Midoobay.

Dr Edna Aadan Ismaaciil hore u soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa xilligan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya.

Ururka oo lagu magacaabo UNPO oo la aasaasay February 1991-kii oo ku beegan saddex bilood ka hor markii Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda, ayaa xaruntiisu ku taallaa magaalada Hague ee dalka Holland.

Shirweynaha Ururka UNPO oo shalay lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa lagu go’aamiyey in Dr Edna Aadan loogu doorto madaxweynaha ururka, waxaanay Dr Edna Aadan noqonaysaa haweenaydii u horeysay ee loo doortay madaxweynaha UNPO.

Dr Edna Aadan oo shirweynaha UNPO ka Qayb-gashay habka Maqalka iyo Muuqaalka iyadoo ku sugan Hargeysa, waxa cod aqlabiyad ah u doortay xubnaha ururka, waxaanay Dr Edna hadal ay u jeedisay shirweynaha ku bogaadisay kalsoonida ay u muujiyeen inay u doortaan haweenaydii u horeysay ee madaxweyne ka noqoto UNPO.

Sidoo kale, waxa shirweynaha lagu go’aamiyey doorashada Madaxweyne ku-xigeenka UNPO oo loo doortay haweenay lagu magacaabo Elisenda Paluzie oo ah hoggaamiyaha Xisbi u dhaq-dhaqaaqa mada-bannaanida gobolka Catalonia oo ka tirsan dalka Spain.

Ururka UNPO ayaa  xuquuqda bani’aadamka , Dimuqraadiyadda iyo Xaqa ay u leeyihiin Aayo-ka-tashiga dalalka aan xubnaha ka ahayn Qaramada Midoobay iyo bulshooyinka laga tira badan yahay ee Caalamka, kuwaas oo xubno ka ah ururka.

Somaliland ayaa sannadkii 2004-tii xubin ku ka noqotay Ururka UNPO oo dalalka Aqoonsi-raadiska ah ka caawiya fahamka iyo talooyin khuseeya arrimaha  aqoonsiga caalamiga ah iyo madax-bannaanidooda siyaasadeed, waxaanu si toos ah fagaareyaasha caalamka ugu soo bandhigaa xadgudubyada xuquuqul aadamaha ee lagula kacay dalalka xubnaha ka ah.

Ururka UNPO oo ay xubno ka yihiin dhowr iyo labaatan waddan oo aan xubno ka ahayn Qaramada Midoobay, waxa sababihii ka dambeeyey aasaaskii qayb laxaad leh ka qaatay hoggaamiyeyaal hore oo dedaal u galay madax-bannaanida dalalalkooda oo aan xilligaas xubno ka ahayn Qaramada Midoobay. Waxaana dalalka wax-qabadka ururkan ku af-laxay ee xilligan madax-bannaanida haysta ka mid ah Armenia, Estonia, Latvia iyo Georgia ka mid ahaan jiray midowgii Sofiyeeti xilligan ka tirsan dalalka Yurub. Waxa kale oo dalalkan ka mid ah East Timor iyo Palau.

Si kasta ha ahaatee, Dr Edna Aadan Ismaaciil oo kaalin muhiim ah kaga jirta Qadiyadda madax-bannaanida Somaliland, laguna tilmaamo shaqsiyaadka astaanta u ah Qaranimada Somaliland, waxa ay magacaabisteedani wax weyn ka tari doontaa dedaallada ay Somaliland ugu jirto sidii ay aqoonsi uga heli lahayd beesha Caalamka.