Qadar iyo Soomaaliya oo Heshiis Cusub kala Saxeexday

Doha (aftahannews):- Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar, ayaa kala saxeexday heshiis laba dhinac ah oo la sheegay in lagu horumarinayo waxbarashada Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qadar heshiiskan Is-afgarasho (MoU) kula saxiixday Hay’adda Qatar Fund.

Heshiiskan, ayaa lagu sheegay in lagu xoojinayo iskaashiga dhanka waxbarashada ee dowladaha Soomaaliya iyo Qadar. Sidoo kalana lagu taageerayo waxbarashada ubadka Soomaaliyeed ee aan fursadda u helin in ay aadan dugsiyada.

Labada dhinac, ayaa ka filaya heshiiskan in uu kor u qaadi doono tayada waxbarashada dalka iyo la-dagaallanka heerka jahliga ee bulshada Soomaaliya. 

Wasiiru-dowlaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, oo ka hadlayey saxiixa heshiiskan ayaa yidhi; “Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed waa mudnaanta koowaad ee dowladeenna. Heshiiskan Is-afagradka ah waa mid aan ku dardar gelinayno dadaalka aannu ku bixinayno in aannu ardayda Soomaaliyeed gaarsiinno waxbarasho tayo sare leh, sidoo kale na kaga fogaanayno in jiilal badan oo gaaray xilligii waxbarashadu ay seegaan dugsiyada”.

Tayada waxbarashada dalka Soomaaliya ayaa aad u hooseysa maadaama dalka uu muddo kabadan 30 sannadood  kusoo jiray dagaallo sokeeye balse dowladda ayaa dhowaan diyaarisay manhaj waxbarasho oo ka kooban dugsiyada hoose, dhexe iyo sare.