Midawga Yurub oo Sheegay in Nukliyeerka Iran Heshiis laga Gaadhayo

Tahran (aftahannews):- Madaxa arrimaha siyaasadda Midowga Yurub Josep Borrell, ayaa sheegay in la filayo in heshiis laga gaaro barnaamijka hubka Nukliyeerka ee Iiraan maalmo gudahood.

Borrell ayaa sheegay Sababtidii in Iiraan iyo waddamada quwadaha caalamka ay aad ugu dhowyihiin in la helo hannaan dib loogu so celinayo heshiiskii nukliyeerka Iiraan ee sanadkii 2015-kii.Madaxweynihii hore ee dalka Marykanka Donald Trump ayaa horey uga baxay heshiikaan sanadkii 2018-kii taas oo keentay in Iiraanna ay ka baxdo ballan qaadkeedii.

Horraantii bishaan ayay bilowdeen wadahadallada goos-gooska ah oo isataagay 11 bilood ka hor waxaana ujeedkeedku ahaa in dib loogu soo nooleeyo heshiiskii nukliyeerka Iiraan hase yeeshee waxaa la sheegay in Ruushku caqabad ku noqday.

Ruushka ayaase mar dambe sheegay inuu helay qoraal siinaya damaanad ah in ay suurta gal tahay in doorkooda ay ka qaataan isla markaana ay maan gal tahay in Moscow ay oggolaato in heshiis la gaaro.”Hadda waxaan aad ugu dhownahay gaarista heshiis waana suurta gal,” ayuu yiri madaxa arrimaha siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub mudane Borrell oo hadalkaan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay shirka madasha caalamiga ah ee Doxa.

Madaxa arrimaha siyaasadda Midowga Yurub Josep Borrell,

XIGASHADA SAWIRKA REUTERS, Qoraalka sawirka, Madaxa arrimaha siyaasadda Midowga Yurub Josep Borrell,

Dadka falanqeeya arrimahaan ayaa sheegaya in suurtagalnimada ah inay guul daraystaan dadaallada dib loogu soo noolaynayo heshiiska ay ka imaan karto dagaalka gobalka ka jira iyo cunnaqabataynnada reer galbeedka saaren Iiraan. Sidoo kale waxay intaa ku darayaan in sare u kaca saliidda caalamka ee ka dhalatay dagaalka Ukrine ay sababi karto guuldarrooyinka ku imaan kara gaarista heshiis.

Waxaa jira arrimo badan oo xasaasiya oo la xiriira heshiiska nukliyeerka isla markaana ay Iiraan doonayso waxaana ka mid ah in meesha laga saaro aqoonsiga uu Mareykanku u aqonsanyahay Ilaalada Kacaanka Iiraan “argagixiso”.

Sabtidii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Xuseen Amiar Abdollahian, ayaa sheegay in ka qaadista cunaqabateynta Mareykanka ee Ilaalada Kacaanka ay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee Iiraan ay ka dalbaneyso wadahadalka.”Xaqiiqdii arrinta cunaqabataynta laga qaadayo ilaalada Kacaanka waa qayb ka mid ah wada-hadallada,” ayuu Cabdullaahian u sheegay telefishinka qaranka.

Waxa uu intaa ku daray in Saraakiisha Sare sare ee Kacaanka ay sheegeen in heshiiskaas aan dib loo dhigin sababo la xiriira Cunaqabateynta saaran Ciidamada Kacaanka hadii uu heshiisku yahay mid dani ugu jirto. Wuxuu intaas sii raaciyay in aysan ka gudbi doonin wax uu ku sheegay “khadka cas”.

Wasiir Abdullahian ayaa todobaadkan sheegay in heshiiska Nukliyeerka lagu gaari karo muddo gaaban haddii Maraykanku uu dhab ka yahay.Balse saraakiisha Mareykanka ayaa aad uga taxadaraya qiimeyntooda ku aaddan dadaallada lagu doonayo in lagu soo nooleeyo heshiiska.

Tehran waxay sidoo kale raadineysaa dammaanad ah in Mareykanka uusan ka bixin doonin heshiis kasta oo la gaaro.

Xigasho BBCSOMALI.COM.