Ruushka oo Xoojiyay Dagaalka Ukraine, Sheegayna inuu Hadafkiisii gaadhay

Ukraine (aftahannews):- Saacado kaddib marki uu Ruushku sheegey in wejigi koowaad ee dagaalka uu ku qaaday Ukraine uu inta badan dhammaaday, isla markaana ujeeddada ugu waynayd uu ka gaadhay, ayaa maanta lagu soo warramayaa in ay xoojiyeen Ciidammadiisu dagaalka ay ka wadaan dalka Ukraine.

Dagaallo culus ayay wararku sheegayaan in Sabtida maanta ahi ay kusii xoogeysteen dhowr magaalo oo ku yaalla dalka ay colaaddu ka socoto ee Ukraine.

Guddoomiyaha Gobolka Kyiv Oleksandr Pavlyuk ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay qabsadeen magaalada Slavutych, oo ah magaalo ku taalla xadka Belarus halkaas oo deegaan u ah shaqaalaha warshadda Niyukleerka ee Chernobyl.

Wuxuu sheegay in ciidamada ay la wareegeen isbitaal isla markaana ay afduubteen duqii magaalada.

Duqa magaalada go’doonsan ee Mariupol, Vadym Boichenko ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay wali halis tahay, isla markaana ay waddooyinka ka socdaan dagaallo u dhaxeeya ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa isna maanta hadal uu ka jeediyay Madasha Doha ee dalka Qatar, isaga oo adeegsanayay muuqaalka fogaan aragga ee internetka sheegay in burburka ku dhacay Mariupol uu la mid yahay burburki ba’naa ee ay ciidamada Suuriya iyo Ruushka u geysteen magaalada Xaleb ee dalka Suuriya, inti uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Bandow cusub ayaa iyaduna lagu soo rogay magaalada caasimadda ah ee Kyiv, kaas oo socon doona muddo 35 saacadood ah.

Duqa Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in bandowga uu billaaban doono 8 fiidnimo ee caawa, isla markaana dhamaan doono 7 aroornimo ee Isniinta.

Xigasho VOASOMALI.COM.