Madaxweyne Siilaanyo oo markii u horreysay caddeeyey inuu soo dhawaynayo dhalliilaha Mucaaridka

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horraysay Xuska 18-ka May ee maanta kaga dhawaaqay inuu soo dhawaynayo dhalliilalaha dhabta ah ee ay Siyaasiyiinta iyo Xisbiyada Mucaaridka ahi u jeediyaan, isla markaana uu gufeyn doono gal-daloolooyinka Maamulkiisa.

IMG_0029Madaxweyne Siilaanyo oo maanta khudbad dhinac badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda dabbaal-degga 23-guurada maalinta qaranimada Somaliland, waxa uu Goleyaasha Qaranka, Axsaabta, Madax-dhaqameedka iyo qaybaha bulshada Somaliland ugu baaqay inay muujiyaan isku-duubni iyo muwaadnimo ay ku ilaashadaan nabadgelyadooda, isaga oo sheegay in marxaladda dalku xilligan marayo loo baahan yahay dulqaad, isku-duubni iyo bisayl siyaasadeed oo xaaladda dalku marayo wakhtigan lagaga gudbo.

“Somaliland waxay ku soo cawo iyo caano maashay halka ay maraysana ku soo gaadhay iskaashi, nabad, tawfiiq, talo wadaag iyo isu tanaasul. Caado wanaagsan oo la gooyaa cadho Alle ayey leedahay; sidaa darteed, waxaan ugu baaaqayaa dhamaan goleyaasha qaranka, axsaabta qaranka, madax-dhaqameedka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, midnimo, isku-duubni iyo wadajir. Marxaladan adag ee aynu ku jirno waxaa la inooga baahan yahay in aynu kaga gudubno isu dulqaadasho, wadaniyad iyo bisayl siyaasadeed, iyadoo ay waajib tahay in aynu meel uga soo wada jeedno difaaca dalkeena iyo xaqiijinta qaranimadeena,” ayuu yidhi Madaxweynaha oo la hadlayey

DSC_0103

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay xukuumaddiisu muhiimadda siinayso horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha, balse ay maamul ahaan aanay ka maarmin talooyinka iyo tusaaleyaasha qaybaha bulshada ee kala duwan.

Waxaanu Madaxweynaha oo arrintaa ka hadlayaa yidhi; “Anigoo munaasabadda ugu faa’iidaysanaya, waxaan si gaar ah ugu bogaadinaya Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka, Axsaabta Mucaaradka, Ururada Aan Dawliga ahayn iyo haween weynaha doorka ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka.”

“Dawladdan oo ah tii horumarka iyo waxqabadka, waxay gacanta ku haysaa mashaariic kala duwan oo laf dhabar u ah kaabayaasha dhaqaale iyo adeegyada bulshada Qarankan. Haddaba, far keliya fool ma dhaqado, waxan ku boorinayaaa Dhamaan shacbi weynahayga in ay iskaaya garab taagaan, si hagar la’aan ahna noogala qayb qaataan. ‘Waxaanan leeyahay daawanaayow waa dalkaagii. Sidoo kale, waxaan soo dhoweynayaa dhaliilaha dhabta ah ee maamulkayga loo soo jeediyo, waxaana iga go’an in aan gufeeyo godoloolo kasta oo ay qarankan gabadano ka soo geli karto.” sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaa sii raaciyey oo yidhi; “Waxaan diyaar u ahay inaan dhug u yeesho tixgeliyona talooyinka taabogalka ah ee goleyaasha iyo axsaabta qaranka. Waxaan shacbigayga qiimaha leh kula dardaarmayaa in ay si weyn u ilaashadaan nabadgelyada eebeheen inagu manaystay.”
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.