Tirada Dadkii ku dhintay Qaraxyadii Beledweyne oo la shaaciyay

Beledweyne (Aftahannews)- Magaalada Beledweyne, ayaa waxaa weli ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay qaraxyadii waa weynaa ee habeenkii xalay gilgilay magaaladaasi, taas oo ay ka dhalatay saamayn aad u xoogan.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Hiiraan, Isaaq Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay inay sii kordheen khasaaraha ka dhashay weerarkaas, isaga oo xaqiijiyay in dhimashada ay ka badan tahay illaa 30 ruux.

“Waxaa wadna tirakoobkii dadkii ku dhintay, waxaa qiyaasayna inay tahay tiro aad u badan, inta aan hubno waa 30 ruux oo inay kasii badan yihiina waa umaleynayna. Dadka Soomaaliyeed ee meesha ku dhintay waxaa u badan dad shacab iyo ganacsato ah.”

Sidoo kale, waxa uu sheegay inta illaa hadda ogyihiin in qaraxyadaas ay ku geeriyoodeen oo mas’uuliyiin ah ay kala yihiin; Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo Xildhibaan hore Dhuxul.

“Dowlad federaalka iyo dowlad goboleedka HirShabelle waxaa ka rajeynayna inay dhaawacyadaas wixii daran ee lagu dabiibi karin halkan u qaadi lahaayen magaalada Muqdisho si gurmad loogu sameeyo.”

Taliyaha, ayaa ugu baaqay shacabka reer Beledweyne iyo guud ahaan gobolka inay sugida amniga iyo xasiloonida kala qeyb qaatan ciidamada amniga, si ayna markale u dhicin mashaqo intaan ka badan.

Al-Shabaab, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradan oo ku soo beegmay, xilli ay doorasho ka socoto magaalada Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle.

Sidoo kale, waxay sheegatay in qaraxyada ku dishay dhowr iyo toban qof oo isugu jira siyaasiyiin u sharraxnaa xildhibaanimo, mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo kuwa HirShabelle, askar iyo shacab kale.

Sheegashada Al-Shabaab, ayaa imanaysa iyada oo siyaasiyiin badan iyo shacab ay ku eedeeyeen Villa Somalia inay ka dambeysay dilka xildhibaan Aamina oo ahayd gabadh aad ugu ololeysay inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil.