Maxaa lagaga hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland ee Maanta?

Hargeysa (Aftahannews) – Shirkii golaha wasiiradda Somaliland ee maanta oo uu  shir-guddoominayay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga, abaaraha iyo arimo kale oo muhiim ah.

Golaha wasiiradda Somaliland, ayaa isku raacay in guud ahaanba la xoojiyo amniga dalka, ciidamada kala duwan ee dalka iyo shacabkana waxaa ay ku boorriyeen inay laban-laabaan adkaynta amniga.

Dhanka kale, waxaa ay soo u jeediyeen dadka muxsiniinta ah iyo guud ahaanba shacbiga reer Somaliland inay ka qayb-qaataan hawlaha qaran ee gurmadka abaaraha, bulshadana la taakuleeyo.

Waxaa shirku uu bogaadiyey guulaha taariikhiga ah ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee booqashada shaqo ku joogay waddanka Maraykanka usoo hooyeen dalka iyo kulamadii midho-dhalka ahaa ee ay la yeesheen hay’adaha kala duwan ee dawladda maraykan iyo Diblomaasiyiinta.

Sidoo kale, goluhu waxa uu warbixin la xidhiidha amniga guud ee dalka ka dhegaystay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka gobollada iyo degmooyinka, Mudane Cabdinaasir Caydiid, isaga oo xusay in sugidda amniga dalku meel wanaagsan marayso.

Waxaa kale oo uu goluhu warbixin dheer oo ku saabsan xaaladda abaarta ee dalka ka jirta ka dhegaystay wasiirka wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed oo kamid ah guddida gurmadka abaaraha.

Waxana uu ku dheeraaday tallaabooyinka muuqda ee ay guddida ahaan u qaadeen sidii dadka iyo duunyada abaaruhu saameeyeen loo gaadhsiin lahaa baad iyo biyoba, isaga oo golaha u sharraxay qorshaha wejiga Afraad ee gurmadka abaarta iyo tallaabooyinka ay xukuumaddu qaadi doonto.