Maxay ka Wadahadleen Danjireyaasha Somaliland iyo Qatar u fadhiya Itoobiya?

Addis Ababa (Aftahannews)- Danjireyaasha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Qatar u fadhiya Dalka Itoobiya, ayaa kulan ku yeeshay caasimada Dalkaasi ee Addis Ababa Isniintii todobaadkan, kaasoo ay kaga wada hadleen danaha labada dawladdood.

Kulanka oo ka dhacay Safaaradda Dalka Qatar, ayaa ahaa mid khaas ah oo qayb ka ah kulamada diblomaasiyaddeed ee dhex mara danjireyaasha dawladdaha.

Maxamed Axmed Cawad Safiirka Jamhuuriyadda Somalilad ee dalka Itoobiya oo kulanka kaddib qoraal ku baahiyey bartiisa Facebook, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ay kaga wada hadleen dhigiisa Qatar “farxad ayay ii ahayd in aan kulan midho-dhal ah la qaatay Danjiraha Dawladda Qatar u qaabilsan Dalka Itoobiya iyo Midowga Afrika Amb. Hamad Mohamed Al-Dosari, annagoo ka wada hadalnay danaha labada dawladdood ee Somaliland iyo Qatar, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dawladdood.

Somaliland waxay markasta diyaar u tahay in qadiyaddeeda ay gaadhsiiso dal kasta oo dunida ah, waana dedaalkayaga koowaad ka dawlad ahaan”ayuu yidhi Amb. Cawad.

Safiirka dawladda Qatar u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika Hamad Mohamed Al-dosari ayaa isaguna barta Twitterka ee safaaraddiisa ku baahiyey farriin uu ku qirayo Dawladnimadda Jamhuuriyadda Somaliland, kuna faahfaahiyey qodobada ay isla soo qaadeen dhigiisa Somaliland.

waxaana qoraalka lagu yidhi “Safiirka Qatar u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika Hamad Mohamed Al-dosari wuxuu la kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee Itoobiya Maxamed Axmed, waxaanay ka wadahadleen danaha guud ee dalalka iyo sidii loo horumarin lahaa.”

Tallaabada Dawladda Qadar safiirkeeda Itoobiya u fadhiyaa uu qaaday ayaa muujinaysa in isbedel siyaasadeed uu ku yimi mawqifkii dhinaca ka rarnaa ee Dawladda Qadar isla markaana ay diyaar u tahay in xidhiidh dhex maro Somaliland iyo Qadar.