Al-shabaab oo Dad Ajaaniib ah ku Dhishay Xerada Xalane

Muqdisho (Aftahannews) – Ugu yaraan lix qof, ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen booliska.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa VOA u sheegay in lixda qof oo shan ka mid ah ay yihiin ajaanib uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada AMISOM.

Waxa uu intaas ku daray in dadka dhintay ay sidoo kale ku jireen tababarayaal ka caawiya Soomaaliya dhinaca tababarka qaraxyada.

Afhayeenka Booliska, ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen laba ka mid ah Ururka  Al-Shabaab, ayna galeen xero u dhow garoonka.

Ururka Al-Shabaab, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna dhankeeda shaacisay in haatan ay toogasho ka socota gudaha xerada, sida ay baahisay Andaluus.

Weerarkan, ayaa dhaliyay hadal hayn iyo shaki xoogan oo ku saabsan sida loo soo abaabulay, maadaama lagu beegsaday xero si weyn amnigeed loo ilaaliyo.

Xaaladda, ayaa weli aad u kacsan, waxaan rasaas laga maqlayaa gudaha Xerada Xalane oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay ku yaallaan safaarado waa weyn.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya oo qoraal soo saaray, ayaa sheegay in weerarkan uu saameeyay duulimaayada gudaha iyo dibadda oo istaagay.

“5 sano kahor Hangarkii Afisyoone lagu doortay xukunka dalkana lagula wareejiyay ayaa maanta xabadi ka dhex socotaa. Duulimaadyadii gudaha iyo dibeda ayaana mar qudha istaagay,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi xildhibaan Mahad Salaad.

Waxa kale oo uu weerar afka ku qaaday maamulka Farmaajo, isaga oo shaaciyay inay ayaan darro tahay in hoolkii lagu doortay 5 sano, kahor ay maanta ka dhacayso rasaas.

“Dhowr iyo toban sano meel Shabaab waligood ayna imanin ayay maanta ka dhex dagaalamayaan. Farmaajo dal iyo dad midna lagama dhaxli doono ee hanbada hadhay halaga badbaadiyo!,” ayuu sii raaciyay Xildhibaanku.