Somaliland oo Shaacisay inay Maxkamadda Adduunka u gudbinayso Dacwad ka dhan ah Soomaaliya

Washington (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay inay Dacwad ka dhan ah Soomaaliya u gudbinayso Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee The Hague ee dalka Netherlands iyo Maxkamado kale, si ay uga garnaqaan qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud, oo hadal ka jeediyey xalay kulan Madaxweyne Biixi iyo xubnaha weftigiisa ee Maraykanka ku sugani la yeesheen Jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka iyo kuwo Canada, waxaanu sheegay in ay Dacwadda madax-bannaanida Somaliland horgeynayaan Maxkamadaha caalamka.

“Somaliland waxay leedahay kiis ka adag kii Kosovo ay ku baxday, waxaynu u baahannahay in aynu dowladda Soomaaliya geyno Maxkamad kasta oo Adduunka ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wasiir Ciise Kayd, ayaa xusay in Maxkamadaha Afrika, ICJ iyo Carabta ay geynayaan dooda Somaliland, si ay uga garnaqaan dacwaddan oo uu sheegay in ay tahay mid sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba adag.

Xukuumadda Somaliland, ayaa sidoo kale hore u sheegtay in ay doodda qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland u gudbinayso Baarlamaanada dowladaha caalamka. Wasaarada arimaha dibedda, ayaa bishii hore ee sannadkan isugu yeedhay Wakiillada Somaliland dalalka dibedda u jooga, iyadoo sheegtay in dib loo habaybaynayo qaabka loo wajahaayo ololaha ictiraaf-raadinta.