Somaliland oo Daan-daansi ku tilmaantay Agabka Millateri ee Shiinuhu ugu deeqay Soomaaliya

Hargeysa (Aftahannews) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay si kulul uga hadashay saanad milateri oo uu Shiinuhu ugu deeqay dowladda federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland, Maxamed Cali Bile oo qoraal uu ku baahiyay boga uu ku leeyahay bartiisa Twitterka, ayaa taageerada milateri ee Shiinaha ku tilmaamay daan daansi lagu carqaladaynayo xidhiidhka Taiwan.

Maxamed Cali Bile, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrintan ay tahay daandaansi cad oo la doonayo in lagu carqaladeeyo xidhiidhka Somaliland, Taiwan iyo Mareykanka.

“Qalabka millateri ee Shiinuhu u diray ciidanka Soomaaliya, xilli uu Madaxweynaha Somaliland booqasho ku joogo dalka Mareykanka, ma aha wax iska yimi, balse waa daandaansi lagu carqaladaynayo xidhiidhka Somaliland ee Taiwan iyo xidhiidhka ka dhexeeya Mareykanka.” ayuu yidhi agaasimaha guud ee Madaxwtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile.

Sikastaba, Dowladda Somaliland, ayaa doonaysa in ay xulufaysato waddamada reer galbeedka oo Taiwan saxiib qadiimi ah la ah, iyada oo u aragta fursad ay reer galbeedku kaga heli karto taageero la mid ah ta ay Taiwan siiyaan.