Maraykanka oo Werwer Ka Muujiyey Korodhka Awoodda Al-Shabaab

Somalia (aftahannews):- Mareykanka, ayaa walaac ka muujiyay awoodda dib u kobcaysa ee Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya iyo meelo Kenya ka mid ah, taasoo uu Maraykanku ka werwersan yahay inay meelo ka baxsan gobolka ku waxyeellayso danihiisa.

Taliyaha Ciidammada Mareykanka ee AFRICOM Stephen Townsend oo wareysi siinaayay Idaacadda VOA-da, ayaa sheegay in madaxweynaha 46-aad ee dalka Mareykanka uu la wadaagay digniin la xariirta halista ka dhalan ka awooda dagaalamayaasha Al-shabaab oo sii xoogeysaneysay waxii ka dambeeyay sanadkii bilawgii 2021, xiligaas oo uu sheegay iney ku beegan tahay markii ciidamada Mareykanka laga saaray gudaha Soomaaliya.

Stephen Townsend ayaa sheegay in uu qabo welwel la xiriira in Al-shabaab fulin karto weeraro ka dhan ah danaha dowladda Mareykanka, islamarkaana ka baxasan gudaha dalka Soomaaliya.

“Waxaan tuhunsanahay in Al-shabaab awood u leeyihiin in Mareykanka ay ku bartilmaameedsadaan meel ka baxsan gobolka, xitaa haddii ay ahaan lahayd Mareykanka, Washington si weyn loogama Aaminsano sirdoon ahaan balse dareenkeyga Taliye ahaan waxa uu ii sheegayaa in ay sameyn karaan Al-shabaab sidaas.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha AFRICOM.

Taliye Stephen waxa uu intaasi ku daray inay la kulmeen caqabado uga yimid go’aanka madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump, kaasoo la xiriiray in ciidamada Mareykanka laga soo saaro gudaha Soomaaliya.

Taliyaha AFRICOM, ayaa go’aankii Ciidamamda Mareykanka lagaga saaray Soomaaliya ku tilmaamay mid qar iska tuur ah oo hoos u dhigay awoodii ciidamada Ameerikaanka lagu yaqiinay.

Hadalka Taliyaha AFRICOM, ayaa imaanaya xilli beryahan u dambeeyey ay kordhayeen Al-shabaab weerarrada ay ka geystaan gudaha Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah dalka Kenya.