Congress-ka USA oo Mooshin Ku Keenay Iskaashi Dhex-mara Somaliland & Maraykanka

Washington (aftahannews):- Congress-ka USA, ayaa Mooshin ku keenay Abuurista Xeerka Xidhiidhka iyo Iskaashi dhex-mara Somaliland iyo Maraykanka, ka dib kulammo dhexmaray Waftiga Madaxweynaha Somaliland ee Washington ku sugan iyo Xildhibaanno ka tirsan Congresska.

War qoraal ah oo madaxtooyada Somaliland ka soo saartay kulmaanka shalay dhexmaray Waftiga Madaxweynaha iyo Xildhibaannada Congress-ka Maraykanka ka tirsan iyo mooshinka ay soo saareen oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Waxa guul weyn oo Qarankani gaadhay ah in Xubno ka Tirsan Congress-ka Maraykanka ay horkeeneen Congress Mooshin abuuraya xidhiidhka iyo iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland ay u direen Dawladda Maraykanka, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Maraykanka.

Maanta (shalay) oo ay bishu tahay (ahayd)17 March 2022, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaniyaa ee Booqashada rasmiga ah ku joogay dalka Maraykanka, kulamo muhiima la yeeshay Mudaneyaasha ayaa isla markii madaxweynuhu ka soo baxay waxa ay soo saareen Mooshinkan.

Mooshinkaa oo lagu yidhi waa in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Maraykanku warbixin sannad leh ah Congress-ka Maraykanka uga keento deeqaha Maraykanku siiyo Somaliland, isla markaana ay sameeyaan daraasad lagu sharaxayo sida Maraykanka iyo Somaliland isaga kaashan karaan arrimaha amniga.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka madaxyooyada Somaliland.

Geesta kale, Nuqullada Mooshinka Mudanayaasha Congress-ka ka tirsani soo saareen oo ay ku socodsiiyeen Xukuumadda Maraykanka, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda, waxay u dhignaayeen sidan hoos ka muuqata:-