Hindiya oo ka digtay isticmaalka mid ka mid ah Sharaabka Carruuta gaarka u ah

New Delhi(Aftahannews):- Xukuumada dalka Hindiya ayaa ku wargelisay muwaadiniinteeda inay iska ilaaliyaan cabitaanka sharaabka loo yaqaan Fruti, oo dalkooda lagu sameeyo, ka dib markii halis caafimaad la soo deristay.

hacabbin sharaabkan

Sida lagu sheegay fariin khadka telefoonada ay ku baahiyeen ciidamada booliiska dalka Hindiya ayaa lagu sheegay inaanay dadku isticmaalin dhamaan badeecadaha shirkada soo saarta sharaabka frooti.

Digniinta booliiska Hindiya ayaa lagu sheegay in shaqaale ka shaqeeya warshada soo saarta sharaabkan oo qaba xanuunka HIV uu dhiigiisa ku daray,sida lagu sheegay digniintan oo ay Aftahannews Soomaali u turjuntay.

Fariintan ayaa doraad laga baahiyey telefishanka NDTV ee dalka Hindiya, looguna baaqay inay ka digtoonaadaan bulshadu isticmaalka badeecadaha warshadan soo saarta sharaabka frooti.

Turjumaadda Maxamuud Cali Maxamed

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.