Erayada Muga iyo Miisaanka Leh ee ku Jira Heesta (DHEX-YAR)

Suugaantu waa sad Abwaanada Rabbi hibo ahaan u siiyay, oo ay ku saxaan Bulshada.

Waana tilmaan guud oo suurayn iyo hooga-tusaallayn u ah in lagu cabbiro dareenka dadweynaha ee markaa jira.

Heestan aynu ka faalloonayno ee Dhex-yar ama Dhakhtarkii Qalbiga, waxa curiyay oo laxankeeda leh Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo Aniga iigu jira foolaad-ka Moonsooleyda sida xeesha dheer u sharaxa dhacdooyinka nololeed, isla markaana hummaagyada quruxda badan ee sawirrada xiisaha xambaarsan soo tebiya.

Waxaanna heestan qaada Fannaanka Mursal Muuse Cumar oo ah dadka leh hibooyinka Fanneed oo ay ku weheliso Fanaanada Xamdi Bilan, waxaannay heestani leedahay miisaan mugo weyn oo sawir ahaan iftiiminaya in lagu qaadayo meel hogoli ku da’ayso.

Hanaanka farshaxannimada leh ee Abwaanku iyo sida uu ereyada iskugu xidhxidhay ka gun dheer inta innoo muuqata, hibo Rabbi idil korreeye ku galaday, ayaa u sahashay in uu sidan wax u cabbirro. Ekeeyayaasha soo jiidashada leh ee uu adeegsaday, mid na mid kama laalaado oo suugaantii qaniga ahayd ee Soomaalida iyo waxyaabihii ugu mudnaa ayuu gabadha quruxdeeda dhalanka ah ku tilmaamayaa. Ila dhowra meerisyadan luul ka ah ee Abwaan Weedhaame u soo dhigay heestan.

Ma Kashaad dhilataad Dhololaysa
Ma Dhinbiil cishqiba ku Dhalaashay
Ma ilmuu dhardadaa Dhabankaygu
Sow ima dhigin Waadhka Hilowga

Markastoo lagu dheehdo la Dhaygag
Midhka aad i tidhaahdo igu Dheer
dhakhtarkii qalbigaay isma dhaafno

Dhilanay Dhex yaray i Dhagayso
i dhaydo i dhistoo i dhagayso
anba waan ku dhaqdee igu dhaado

Dhediga oo idil taan ka Dhawaystaay
Wadne aad dhex Dagtaybaad Dhab u leedahay
Dhago ku Nugulba ku Dhaguugta
kugu dhaab Rabbigu Dhimirkayga

Naf Dalaan Sidooda ku Dhowrta
Kaa Dhifaysa wixii ku Dhibaaya
Ha la dhaafin Dhoola cadaynta

Dhilanay Dhex-yaray i Dhagayso
I Dhaydo i Dhistoo i Dhagayso
Anba waan ku Dhaqdee igu Dhaado.

Waxa Qoray Khaalid Xabsi.