Sucuudiga oo Xayiraadda ka Qaaday Dhoofka Xoolaha Soomaalida

Muqdisho (aftahannews):- Dowladaha Sucuudiga iyo Soomaaliya, ayaa ku heshiiyey in dib loo furo dhoofka Xoolaha Soomaalida ee loo iibgeeyo Sucuudiga oo joojiyey 2016-kii.

Sacuudiga ayaa dib u fasaxday Xoolaha Soomaaliya laga dhoofin jiray ee loo iibgeynayey dalkiisa, kuwaas oo ku muddo lix sano ku siman ka xayirnaa Boqortooyada.

Fasaxa Xoolaha Sucuudiga loo dhoofinayo, ayaa yimi ka dib markii ay maanta masuuliyiin labada dal kala metelayaa ay magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen heshiiska dib u furista dhoofka Xoolaha Soomaaliya.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya, ayaa munaasibad lagu shaaciyey Heshiiskan, waxa uu ka sheegay in tallaabadan ay timid ka dib markii ay dedaal dheer ku bixiyeen Masuuliyiinta Wasaaradda, Madaxda dalka iyo Ganacsatada qaarkood.

Soomaaliya si toos ah Xoolaha ugumay dhoofin jirin Dalka I Sacuudiga tan iyo sannadkii 2016-kii oo Dowladda Sucuudigu joojisay Xoolaha Soomaaliya uga dhoofi jiray, ka dib markii ay sheegtay inay xanuun ka heshay Xoolo Soomaaliya laga qaaday xilligaas.

Wasiir Maxamed Aadan Macallin, ayaa sheegay in fasaxa dhoofinta Xooluhu ay fursad fiican u tahay dadka Soomaaliyeed oo xilligan Abaaraha iyo Sicir-bararku saameeyeen ay ciddii xoolo u joogaan ay ka faa’iidaysan doonaan.

Raysal-wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo munaasibadda ka qaybgalay, ayaa dhankiisa sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiska Sucuudigu xayiraadda kaga qaaday dhoofinta Xoolaha Soomaaliy.

Dalka Boqortooyada Sucuudiga, ayaa ah Sayladda ugu weyn ee loo iibgeyn jiray Xoolaha Soomaalida, waxaanay xayiraaddiisu culays dhaqaale ku keentay guud ahaan Soomaalida Xoolo dhaqatada ah, Ganacsiga iyo Suuqyada wax kala iibsiga iyo xataa Naamullada, maaddaama oo ay Xooluhu yihiin lafdhabarta Dhaqaalaha Soomaalida.

Aftahannews.com/ aftahanmursal@gmail.com.