Galmudug & Koonfur-galbeed oo Soo Gebagabeeyey Doorashaada Golaha Shacabka Xilligeedii

Baydhabo/Dhuusamareeb (aftahannews)- Dowlad-goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Galmudug ee dalka Soomaaliya, ayaa maanta lagu soo dhammaystiray doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, iyadoo maanta ku beegnayd maalintii loo asteeyey in lagu soo gabo-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Salaasada Maanta oo ay ku beegan tahay 15-ka Maarso 2022-ka, waxay aheyd xilliggii amma maalintii loo qorsheeyey in lagu soo gebagabeeyo doorashada ka socota dalka Soomaaliya ee Golaha Shacabka.

Maamulka Koonfur-Galbeed, ayaa maanta si rasmi ah u soo gebagabeeyey doorashaada. Halkaas oo 69 Kursi yaalleen Dowlad-gobaleedka Koonfur-galbeed gaar ahaan labada magaalo ee Baraawe iyo Baydhabo oo doorashooyinka ka dhaceen.

Toddobada kursi ee ka hadhsaneyd doorashada oo maanta lagu qabtay Magaalada Baydhabo, ayaa mid ka midi wuxuu ahaa kursi uu sannadihii la soo dhaafey ku fadhiyey Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdiasiis Xasan Maxamed (Lagtagreen), waxaana u tartamay oo kuvsoo baxay maanta Janaraal Mahad Craxmaan Aadan oo ah Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Sidoo kale, Xubnaha maanta kuraasta u danbeysey Koonfur-galbeed ku soo baxay, waxaa ka mid ah; Wasiirka Arrimaha gudaha Koonfur-galbeed Maxamed Abuukar Cabdi, Wasiirka Amniga Koonfur-galbeed Isxaaq Cali Subag, Guddoomiyaha Gobalka Bay Cumar Isxaaq Cali, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Baydhabo Xaawo Sokor Cali iyo Xildhibaan Maryan oo sannadihii hore ku fadhidey kursigaas.

Guddoomiyaha Gudigga doorashooyinka Koonfur-galbeed Yuusuf Cabdiqadir Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Gudigga amniga doorashooyinka Qaranka Janaraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar),  ayaa guul ku tilmaamay in kuraastii Koonfur-galbeed ee Golaha shacabka la soo gebagabeeyey.

69-ka Kursi ee Golaha Shacabka ee Koonfur-galbeed yaallay, ayey Haweenku ka helen 13 Kursi, sidoo kale Aqalka Sare oo 8 Kursi ahaa waxay ka heleen 2 xubnood, tiradaas oo ka dhigan in Dumarku guud ahaan Koonfur-galbeed labada Aqal ka helen 15 Xildhibaan.

Sidoo kale, Dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa maanta soo gebagabeeyey doorashada labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa sheegay inuu u hambalyeynayo Xildhibaannada Galmudug lagu doortay, sidoo kalena bogaadinayo Gudigga doorashada ee dhammaystirka doorashada Galmudug ku guulaystay.

“Waxaan hambalyeenayaa dhammaan Xildhibaannada la doortay, una rejeynayaa inay ka soo dhalaalaan waajibaadka qaran ee horyaalla. Dhinaca kale, waxaan bogaadinayaa kaalinta muhiimka ah ay ka qaateen hirgelinta Doorashada Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed, Hay’adaha Amniga iyo guud ahaan Duubabka dhaqanka, Bulshada rayidka ah iyo Shacabka Galmudug.

Ugu dambeyntii, Waxaan ballan-qaadeynaa inaan sii xoojin doonno dimuquraaddiyeynta iyo daadejinta Maamulka.” Sidaa ayuu qoraalkiisa uu ku baahiyey caawa bartiisa Facebook ku yidhi Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

Hore waxaa loo dhammaystiray Kuraasta Golayaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) oo lagu doortay magaalada Muqdisho. Haseyeeshee, weli waxay Kuraasi ku dhimman tahay Maamullada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle, iyadoo maanta ku buuxday taariikhda loo qabtay Jadwalkii ugu dambeeyey ee doorashada Golaha Shacabka oo 24-kii February 2022 la muddeeyey, ka dib markii ay muuqatay inaan lagu dhammayn karin Jadwalkii markaa degsanaa oo ku ekaa 25 February 2022-ka.

Maraykanka iyo Waddamada kale ee taageera dowladnimada iyo nidaamka doorasho ee Soomaaliya, ayaa hore uga digay dib u dhac mar kale ku yimaadda waqtiga doorashada.

Waxaanu Maraykanku sheegay inuu xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogay shakhsiyaad iyo Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ee caqabadda ku ah habsami u socodka doorashada Soomaaliya oo muddo sannad ka badan kolba wakhtigeeda dib uga dhacaysay. Illaa haddana ma cadda xilliga la soo dhammaystirayo Kuraasta hadhsan.

aftahannews.com

aftahanmursal@gmail.com.