Madaxweyne Biixi oo Soomaaliya ku eedeeyey Fashilka Wadahadalkii labada Dhinac

Washington (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay Isniinta maanta magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in wadahalladadii Somaliland iyo Soomaaliya ay dhanka dowladda Soomaaliya ka socon waayen oo uu fadhiyey Maamulka Xamar, isla markaana aan rejo laga qabin in guul laga gaadho.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in intii ay wada’hadaladu socdeen ay dowlada Soomaaliya ku guuldaraysatay in ay ixtiraamto, heshiisyadii shirkii London oo ahaa in loo wada’hadlo sidii laba dowladood oo siman, isla markaana aanay qodobkaa marnaba dib u eegin.

Waxaanu yidhi.”Qodobka ugu muhiimsanaa ee khilaafka oo ahaa ‘meeqaamka Somaliland’, waxay ahayd in la xaliyo oo lasoo celiyo, kadib 9 wareeg oo wadahadalo ah oo u dhexeeyay 2012 ilaa 2022, qodobkii khilaafka ee ahaa ‘meeqaamka Somaliland’ marna lagama garaabin”

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay muujisay in aanay haba yaraate wax xiiso ah u haynin wadahadalo midho dhala mudadii ay wadahadaladu socdeen “10 kan sanno Soomaliya waxay soo bandhigtay in aanay gabi ahaanba wax xiiso ah u haynin wadahadalo macno leh”.

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya, ay halkii ay ka horumarin lahayd wadahadalada ay isticmaaashay, siyaasad lagu wax yeelaynayo Somaliland  “Soomaaliya taa badal keeda waxay is ticmashay siyaasado Somaliland lagu wiiqayo oo qalalaase lagu galinayo”.

Madaxweynaha ayaa ku andacooday in anay jirin sabab loo sii wado wadahadlada, “Madama oo wadahadaladii anay samayn wax horumar ah 10 kaa sano, Somaliland waxay rumaysantahay, in wadahadaladii ay ku guuldaraysteen in ay gaadhaan ujeedooyinkii laga lahaa, mana jirto rajo laga qabo in ay guulaystaan”.

Waxa uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi sheegay in halkii wadahadallada ay ku beddali doonaan, in ay dedaal ku bixiyaan xidhiidh ay caalamka la yeeshaan oo ay albaab walba garaacaan, si ay aqoonsi u hesho Somaliland.