Madaxweynaha oo Tacsi u diray Golaha Deegaanka Hargeysa

TACSI MADAXWEYNE: IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Golaha Deegaanka Maroodi-jeex isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Deeq Ducaale Guuleed oo ka tirsanaa Golaha deegaanka Hargeysa kuna geeriyooday 17.05.2014 Hargeysa.

tacsi1

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.