UNHCR oo Shaacisay in 2.9 Milyan oo Soomaali ah ay u baahanyihiin Gurmad

Muqdisho (Aftahannews) – Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR, ayaa sare u qaadaysa gargaarka ay u fidiso kumanaanka qof ee ka barakacay abaaraha ba’an ee ka jira Soomaaliya.

Saddex xili roobaad oo xidhiidh ah, ayaa la waayay roobka taas oo xaalufisay dalagyadii, iyada oo xoolahuna ay waayeen baad iyo biyo. Hababkii dadku ay taas ula qabsan lahaayeen ayaa meesha ka baxday, waxaana kumanaan kun ay ku khasbanaadeen inay ka cararaan guryahoodii iyagoo raadinaya gargaar bini’aadantinimo oo ay ku jiraan cunto, hoy, iyo biyo nadiif ah oo la cabbo.

Keliya toddobaadkii ugu horreeyay ee bisha March, in ka badan 17,000 oo qof oo ku nool gobollada koonfureed ee Soomaaliya, ayaa ku barakacay abaarta, kuwaas oo ku biiray tobanaan kun oo qof oo sidan oo kale ugu barakacay guud ahaan Soomaaliya intii u dhexeysay bilihii January iyo February ee sannadkan.

Hay’adda UNHCR, ayaa qiyaaseysay haddii xaaladda sidan ay sii ahaato sannadkan in suurtogal tahay in nus milyan qof oo Soomaali ah ay barakacaan ka hor dhammaadka March.

Dadka abaaraha ka barakacay, ayaa intooda badan ah caruur, dad waaweyn, hooyooyin uur leh iyo kuwo carruur nuujiya. Qoysaska soo barakacay, ayaa maalmihii la soo dhaafay  imanayay xarumaha magaallooyinka iyo xeryaha ay ku jiraa dadkii hore u soo barakacay.

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR, ayaa sannadkan 2022 u baahan lacag dhan US$157.5 milyan si ay u gaadhsiiso gargaar ku dhawaad 2.9 milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo 40,000 oo kamid ah ay yihiin qaxooti soo laabtay, 31,000 waa qaxooti iyo magangalyo doon, iyo ilaa 15,000 oo ah dad cusub oo ka yimid Itoobiya iyo dalal kale.