Madaxweyaha Somaliland iyo Waftigiisa oo gaadhay Addis Ababa Ethiopia

Addis-Ababa (aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo galabta ka dhoofay Hargeysa, caawa fiidkii gaadhay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Garoonka diyaaradaha Addis Ababa ee Bole International Airport, markii waftigu gaadhay waxa ku soo dhaweeyey Madax sare oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Ethiopia.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa loo gelbiyey qolka nasashada ee madaxda loogu talogalay, halkaas oo ay ka sii amba-qaadi doonaan safarkooda dalka Maraykanka.