Madaxweynaha Somaliland iyo Wafti la socda oo Markii u Horreysay Maraykan u dhoofay

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu Hoggaaminayo, ayaa gelinkii dambe ee maanta safar sii qorsheysnaa ugu baxay dalka Maraykanka markii ugu horreysay intii uu xilka hayay tan iyo 2017-kii.

Madaxweynuhu faahfaahin kama bixin ujeeddada Safarkiisa oo ay ku welinayaan Wasiirro, Xubno ganacsato ah iyo hal Xubin oo Ururrada bulshada metelaya, waxaana ka sii horreeya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Ciise Kayd oo maalmanba ku sugan dalka Maraykanka.

Magaalada Washington oo waftiga Madaxweynuhu ku wajahan yahay waxaa ka socda qabanqaabada soo dhawaynta Madaxweynaha iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqa muddaharaad lagaga soo horjeedo ficillada Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa ee dhinacyada xuquuqda aadamaha iyo Xorriyadda hadalka oo ay ku doodayaan inay culays iyo cabbudhin badan ku samaysay muddadii uu xilka hayay Muuse Biixi Cabdi.

Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile,  ayaa bartiisa Facebook ku sheegay inta badan waftiga Madaxweynuhu ku dhoofeen Baasaabboorka Somaliland oo uu tilmaamay in dowladda Mareykanku aqbashay.

“Dawladda Maraykanku way aqbashay Baasaaboorka diblomaasiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. In badan oo ka mid ah waftiga Madaxwayne Muuse Biixi baasaaboorkan ayay ku dhoofeen.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Agaasimaha Madaxtooyadu.

Weftiga Madaxweynaha Somaliland, waxa xubno ka ahWasiirka Arrimaha Gudaha – Maxamed Kaahin Axmed.  Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore. Wasiirka Ganacsiga – Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo Wasiirka Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare.

Xubnaha aan Xukuumadda ku jirin ee Waftiga la socda waxaa ka mid ah; Ganacsade Siciid Maxamed Siciid Dahabshiil; DAHABSHIIL GROUP. Ganacsade Maxamed Aw Siciid: Somcable. Ganacsade Cabdikariin Maxamed Iid. TELESOM Group. Maamulaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Professor Jaamac Muuse Jaamac oo Bulshada Rayidka ah metelaya.