Cali Khaliif Galaydh oo ka hadlay Ciidanka Somaliland oo gacanta ku dhigi gaadhay

Cali Khalayf Galaydh ma jirtaa in lagu baacsanayo…Halkeed-se hadda ku sugan tahay?

Hargeysa(Aftahannews):- Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana qabqable dagaal ka ah Bariga Somaliland oo uu ka abaabulo kooxda la baxday Khaatumo State, ayaa ka hadlay tallaabo ay saaka Ciidanka Millateriga Somaliland ku sigay inay gacanta ku dhigaan, ka dib markii ay ugu galeen deegaanka lagu magacaabo Saax-dheer oo illaa 90-KM Koonfur-galbeed magaalada Laascaanood, waxaanu ku dooday inaan cidi baacsan.

cali khaliif

Afhayeen u hadlay Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa sheegay inay ku talo jireen inay gacanta ku dhigaan Cali Khaliif Galaydh iyo Koox uu wato oo abaabul ka waday deegaankaas, balse ay baacsadeen, inkasta oo aanay gacanta ku dhigin. Hase-yeeshee, Xildhibaan Galaydh oo isaguna BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga caawa la hadlay, ayaa ku dooday inaan la qaban, balse qiray inuu deegaankaas saaka ka baxay.

Halkan hoose ee AFTAHAN RADIO ka dhegayso Waraysiga Cali Khaliif Galaydh uu khadka taleefanka kula yeeshay Weriyaha BBC-da Farxaan Maxamed Jimcaale, kaasoo weedhaha uu ku jawaabayo Cali Khaliif laga dhadhansanayo cadho.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.