AMISOM oo loo beddelay ATMIS iyo Xilliga ay Soomaaliya ka baxayaan Ciidammada Midowga Afrika

New York (aftahannews):- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa Golaha Ammaanka u soo jeediyey in aan la dhimin shaqaalaha howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM illaa dhammaadka 2022-ka, sida uu ku sheegay warqad ay heshay Wakaaladda Wararka ee AFP Salaadii shalay.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa ka kooban 20,000 oo askari, booliis iyo dad rayid ah, kuwaas oo loo xilsaaray inay taageeraan dowladda Soomaaliya ee dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Hawlgalka AMISOM ayaa ku eg 31-ka Maarso, laakiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in 30-ka bishan March ay u codeeyaan in AMISOM lagu beddelo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Waraaqdda Guterres oo Isniintii loo gudbiyay Golaha Ammaanka, ayuu ku sheegay inuu doorbiday qorshe si tartiib-tartiib ah loogu dhimayo ATMIS oo ka kooban afar weji, “si awood iyo taageero loogu siiyo ciidamada amniga Soomaaliya, si ay u qaataan mas’uuliyadda koowaad ee amniga Soomaaliya dhammaadka 2023-ka”, iyadoo dhammaan ciidmada howlgalka AMISOM ay baxayaan 2024.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa intaas ku daray in sida uu qorshuhu yahay, dhimista ugu horreysa ee ATMIS ee 2,000 oo askari aysan bilaaban doonin ilaa iyo wixii ka dambeeya bisha Diseembar 2022, iyada oo tirada mid ka badanna la dhimi donoo marxaladaha kale ee bixitaanka.

“Waa muhiim in tirada askarta ee hadda jirta aan la dhimin illaa dhammaadka wejiga koowaad, si loo hubiyo in guulihii adkaa ee la gaaray la ilaaliyo, lana oggolaado dib u habeynta howlgalka, iyadoo aan la carqaladeynin amnig hadda jira,” ayuu Guterres ku sharaxay warqaddiisa.

Iyadoo AMISOM ay si gaar ah u maalgeliyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, haddana warqadda Guterres ma sheegin maalgelinta gaarka ah ee howlagalka cusub ee ATMIS.

“Waxaan ka codsanayaa beesha caalamka inay sii wadaan taageeradooda, dhaqaale ku filanna la siiyo ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyo sidoo kale in la siiyo awoodo gaar ah,” ayuu yiri Guterres, isagoo intaas ku daray inuu uga mahadcelinayo deeqaha ay xilligan saaxibada Soomaaliya ku bixinayaan.

Hindisahan, ayaa la filayay in lasoo gaba-gabeeyo sannadkii hore, laakiin khilaaf weyn oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Midowga Afrika dartiis ayaa dib u dhigay, iyadoo qorshahan dhawaan la isku afgartay, sida ay sheegeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo dhawaan ka heshiiyey qorshahan cusub iyo khilaafka hore ee jiray.