IMF oo ka Digtay Saamaynta Dib-u-dhac ku yimaadda Doorashooyinka Soomaaliya

 Muqdisho (aftahannews):- Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF  ayaa mar kale sheegtay in hubanta la’aanta siyaasadeed iyo dib u dhacyada doorashooyinka Soomaaliya ay sababi karaan in si toos ah uu u dhaco barnaamijka taageerada dhaqaale ee la siiyo dowladda Soomaaliya.

Hay’adda IMF waxay sheegtay in arrintani ay  khatar gelin doonto bixinta deeqaha taageerada miisaaniyadda Soomaaliya, taas oo inta badan ku tiirsan taageerada dowladdu ka hesho dibedda.

IMF, waxay sidoo kale sheegtay in tani meesha ka saari doonto barnaamijka deyn cafinta buuxda ee loosoo gaabiyo magaciisa HIPC.

Si barnaamijku u socdo,  IMF waxay sheegtay  haddii Madaxweyne la doorto inay xaqiijinayso sida ay uga go’an tahay sii wadida barnaamijka dhaqaalaha inay dib u bilaabaan deeqaha miisaaniyadda Soomaaliya

Hay’adda IMF waxay caddeysay in haatan miisaaniyada deeq bixiyayaasha Soomaaliya uu hakad ku jira ilaa doorashooyinka la dhameeyo.