Maxaa sare u qaaday Khilaafka Muddeynta Doorashada Madaxtinnimada Somaliland?

 

Hargeysa (Aftahannews) – Waxaa mar kale sare u kacay khilaafka ka taagan muddeynta doorashada Somaliland, kaasoo u dhexeeya Madaxweyne Muuse Biixi iyo hogaamiyayaasha labada xisbi ee mucaaradka ah.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayay munaasabad uu ciidanka Somaliland kala qeybgalayay, ayaa sheegay in doorashada lagu kala reebayo ururada xisbiyada siyaasadda ay ka soo hormari doonto tan madaxtinnimada.

“Sanadkan waxaa inagu soo beegan saddex doorasho….. Waxaa ugu horreysa tii xisbiyada. Waa in xisbiyada hadda jiraa ay tartamaaan. 13-ka November waa inay dhacdaa doorashada madaxtinnimada. Waxaa xigi doonta tan guurtida oo waxa ay noqon doontaa in la soo xulo oo aan doorasho badan gelin,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Hadalkaa Madaxweyne Biixi waxaa ka falceliyay musharraxa xilka madaxweynaha ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo sheegay in doorashada madaxtooyada ay soo horreyn doonto, iskamarkaana ay ka qeybgali doonaan saddexda xisbi ee hadda jirta.

“Waxaa [doorashada madaxtinnimada] galaya oo sharci ah sadexda xisbi qaran ee hadda jira. Doorashada madaxtooyada Somaliland waa doorashada keliya ee ay u dhan yihiin xeerkii lagu maamuli lahaa, farsamadii iyo miisaaniyaddii lagu hirgelin lahaa,” ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu tilmaamay in doorashada axsaabta iyo tan golaha guurtidu ay ka dambeynayaan tan madaxtooyada.

“Diiwaangelinta ururada waxaa loo raacayaa Xeer Lr.14-2011, ururada buuxiya shuruudaha ayaa la tartami doona axsaabta kadib doorashada madaxtinnimada,” ayuu hadalkiisa raaciyay Cirro.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in muddeynta doorashooyinka ayna ahayn wax ay go’aan ka gaadhi karaan dad gaar ah, sida Madaxweynaha ama isaga, balse laga raacayo xeerarka dastuurka ee doorashoooyinka.

Taariikhda Xeerka

Xeerka Nidaaminta Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda waxa la ansixiyay sanadkii 2000 (Xeer Lr. 14/2000). Waxa uu bilaw u ahaa hanaanka geedi-socodka xisbiyada badan ee Somaliland kaga guurtay shir beeleedyada. Dastuurka Somaliland qodobka 9aad waxa ku qoran in nidaamka siyaasadeed ee Somaliland yahay hanaanka xisbiyada badan iyo in aan xisbiyadu ka badan karin sadex.

Xeer Lr. 14/2000 waxa uu jideeyey habka ay ku tartami karaan ururada cusub si ay ugu gudbaan xisbiyo, kaas oo ahaa in ay ku tartamaan doorashada golayaasha deegaanka. Doorashadii koowaad waxa la qabtay sanadkii 2002. Waxa ku soo baxay xisbiyada kala ah UDUB, UCID iyo Kulmiye.

Xeerka waxa wax-ka-bedel lagu sameeyey sanadkii 2011 kadib markii madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo u saaray guddi ka talo bixisa. Gudidu waxa ay ku talisay in ururada la furo, iyada oo xeerka lagu kordhiyay in tobankii sanadood ba hal mar la furo ururo cusub.

Waxa la qabtay doorashadii golayaasha deegaanada sanadki 2012 kaas oo ay soo baxeen xisbiyada kala ah UCID, Kulmiye iyo Waddani.

Ruqsadooda xisbinimo ee Tobanka sanadood, ayaa waxaa ay ku eeg tahay dhammaadka sanadkan 2022.

Xigasho: BBC