Wax ka ogoow Duullannada Ruushku qaaday inta Putin Xilka hayey & Natiijada mid waliba ku dhammaaday

Weerarada militari ee looga dan leeyahay in lagu sugo saameynta Kremlin-ka ma ahan xeelad gooni ah 22 sano oo uu Ruushka hogaaminayay Vladimir Putin.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Putin uu difaaco danihiisa ku aadan dalalkii hore ee Midowga Soofiyeeti isagoo soo daad gureeyay ciidamadiisa militariga, sida duullaanka uu imika ku qaaday Ukraine.

Marka hore waxay ahayd Chechnya 1999, ka dib Georgia 2008, iyo ugu dambeyntii Crimea ee 2014.

Balse sidee ku dhamaadeen dagaaladaasi sideese loo bar bar dhigi karaa dagaalka hadda socda?

Dagaalkii bahalnimada ahaa ee – Chechnya, 1999

Muxuu ka dhashay dagaalkan?

Sebtembar 1999, Vladimir Putin oo markaas 47 jir ahaa, ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare, wuxuuna la wareegay xilka madaxtinimada dalkaas dhowr bilood gudahood ka dib markii uu is casilay Boris Yeltsin dhamaadkii sanadkaas.

Sare u kaciisa waxa ay ku soo beegantay bilowgii dagaalkii labaad ee Chechnya, oo lagu xasuusto in uu aha mid arxan daran, iyo xoojinta Putin oo ah “nin adag” oo awood u leh inuu xakameeyo khataraha gudaha ee Ruushka.

Dagaalkii labaad ee Chechnya waxaa abaabulay Putin oo 1999-kii

XIGASHADA SAWIRKA,WOJTEK LASKI / GETTY Qoraalka sawirka, Dagaalkii labaad ee Chechnya waxaa abaabulay Putin oo 1999-kii.

Chechnya, oo ah Jamhuuriyad ka mid ahayd Midowgii Soofiyeeti ee Jamhuuriyadihii Hantiwadaaga, ayaa waxay xornimada qaadatay 1991-kii, inkastoo ay dowladda Ruushka ay arrintai ka soo horjeedsatay.

Laakiin 1994-kii, ciidamada Ruushku waxay aadeen dhulkan si ay u burburiyaan dhaqdhaqaaqa xornimada.

Saddex sano ka dib, waxay la kulmeen iska caabin adag oo kaga imaanayay jabhadda Jejniya, ugu dambayntii way ka baxeen.

Si kastaba ha ahaatee, 1999-kii, isku dhacyo soo cusboonaaday oo u dhexeeyay Jeejniyiinta iyo ciidamada Ruushka, oo ay weheliyaan qaraxyo xiriiri ah oo ka dhacay guryo la deggan yahay oo ku yaallay Moscow oo Kremlin-ku ku eedaysay fallaagada Islaamiyiinta Jeejniya, ayaa kicisay duullaankii labaad ee milatariga Ruushka.

Bishii Febraayo 2000, oo Putin uu madaxweyne ka ahaa, ciidamadiisu waxay dib u qabsadeen oo ay burburiyeen caasimadda Chechnya ee Grozny, bishii May-na waxaa lagaga dhawaaqay Moscow in dagaalka la so afjaray.

Chechnya waxay ka mid noqotay Federaalka Ruushka 2003-dii, dagaalkuna wuxuu dhammaaday 2009, inkastoo dagaallo goos goos ah ay dhaceen.

Khasaarihii iyo naxariis-darrada dagaalku waxay soo jiiteen indhaha caalamka. Qiyaaso kala duwan ayaa sheegaya in wadarta guud ee dhimashada ay gaareyso boqollaal kun.

Laakin qabsashadiisu waxay Putin ku kasbaday kor u kac la taaban karo oo ku yimid caannimadiisa gudaha, isagoo xoojiyay amniga iyo xakamaynta jamhuuriyadda istaraatiijiga ah ee Waqooyiga Caucasia.

Maanta, Chechnya, oo ku naalooneysa xasillooni weyn, ayaa waxaa si adag u maamula hoggaamiye Ramzan Kadyrov, oo dadka dhaleeceeya ay ku eedeeyaan inuu yahay kaligii taliye.

Dagaalladii Jeejniya waxa lagu xusuustaa arxan-darradoodii.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGE

Qoraalka sawirka,Dagaalladii Jeejniya waxa lagu xusuustaa arxan-darradoodii.

Dagaalkii koobnaa- Georgia, 2008

Dagaalkii Georgia ayaa ahaa mid kooban balse khasaaro badan oo uu ka dhashay.

Sanadkii 2003, Grozny, caasimadda Chechnya, ayaa Qaramada Midoobay waxay ku dhawaaqday inay tahay magaalada ugu burburka badan adduunka.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Sanadkii 2003, Grozny, caasimadda Chechnya, ayaa Qaramada Midoobay waxay ku dhawaaqday inay tahay magaalada ugu burburka badan adduunka.

Siduu ku bilaabmay?

Waxay ku taal meel muhiim ah oo ay iska gooyaan Yurub iyo Aasiya, Georgia waxay noqotay waddan madaxbannaan ka dib burburkii midowgii soofiyeet 1991.

Balse saameynta dhaqaale iyo mida siyaasadeed ee Mareykanka uu ku leeyahay dalkaasi oo sii kordheysa iyo hamiga Georgia ee ku aadan ka mid noqoshada Midowga Yurub iyo NATO ayaa walaac ku abuurtay dalka ay dariska yihiin ee Ruushka iyo sidoo kale .

Vladimir Putin, oo muddo toban sano ku dhow xukunka hayay, ayaa sidoo kale gacan bir ah ku soo rogay.

Xiriirka u dhaxeeya Georgia iyo Ruushka ayaa sii xumaaday islaamarkaana Moscow ayaa si buuxda u taageertay gobollada ka go’ay ee Abkhazia iyo Koonfurta Ossetia, taasoo keentay dagaal kooban laakiin dhiig badan uu ku daatay bishii Ogosto 2008.

.

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Sidee ayuu ku soo dhamaaday?

Ka dib markii Georgia ay isku dayday in ay xoog ku qabsato Koonfurta Ossetia, iyada oo ay isku dhaceen fallaagada uu Ruushku taageero, Putin waxa uu qaaday weerar uu ciidammada Georgia kaga saaray Koonfurta Ossetia iyo Abkhazia.

Ka dib shan maalmood oo dagaal ah o ay ku dhinteen boqolaal qof, labada dhinac waxay saxiixeen heshiis nabadeed oo Faransiisku gar-wadeen ka ahaa.

Ruushka, ayaa u aqoonsaday labada gobol ee ka go’ay inay yihiin dawlado madax banaan, taasoo keentay mudaharaadyo ka dhacay Georgia iyo dalal kale oo reer galbeed ah.

“Georgia waxay u qaybsantay Georgia iyo gobollada Abkhazia iyo South Ossetia, kuwaas oo ilaa maanta la joogo uu Ruushku sii haysto oo ay la saf yihiin Kremlin”, ayuu yiri Sagramoso.

Xiisadda u dhaxaysa Georgia iyo Ruushka ayaa sii korodhay 2008-dii.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Xiisadda u dhaxaysa Georgia iyo Ruushka ayaa sii korodhay 2008-dii.

“Ruushku waxa uu doonayaa in uu si shuruud la’aan ah isu dhiibaan siyaasad ahan iyo milatariga Ukraine oo dhan. Waxa uu doonayaa in la qabsado oo gebi ahaanba militari ahaan hubka laga dhigo,”ayuu yiri Boulegue oo 

Horraantii 2014, Crimea waxay noqotay xuddunta mid ka mid ah qalalaasihii ugu xumaa ee u dhexeeya Ruushka iyo reer galbeedka tan iyo dagaalkii qaboobaa, ka dib markii madaxweynihii Ukraine ee taageersanaa Ruushka Viktor Yanukovych xukunka laga tuuray ka dib mowjado mudaaharaad ah oo taageersan Yurub.

Dadka reer Ukrain ayaa u kala qaybsamay kuwo doonaya is dhex galka weyn ee Ruushka iyo kuwa taageersan isbahaysiga Midowga Yurub, Moscow waxay go’aansatay inay soo farageliso arrintan.

Inta badan February 2014, Putin wuxuu si qarsoodi ah kumanaan ciidamo dheeraad ah ugu diray saldhigyada Ruushka ee Crimea. Dad badan oo “mutadawiciin” rayid ah ayaa sidoo kale u dhaqaaqay jasiiradda si ay u fuliyaan qorshe qarsoodi ah.

Mudaaharaadyadii lagu taageerayay Midowga Yurub ee 2014 ayaa muujiyay kala qaybsanaanta u dhaxaysa dadka reer Ukraine ee jecel Ruushka iyo Ukrainiyiinta taageersan Midowga Yurub.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Mudaaharaadyadii lagu taageerayay Midowga Yurub ee 2014 ayaa muujiyay kala qaybsanaanta u dhaxaysa dadka reer Ukraine ee jecel Ruushka iyo Ukrainiyiinta taageersan Midowga Yurub.

Jimcihii, 28 February , Ruushku wuxuu jidgooyo ka dhigtay Armyansk iyo Chongar, oo ah labada isgoys ee ugu muhiimsan ee u dhexeeya dhul weynaha Ukraine iyo jasiiradda Crimea.

16-kii bishii March, waxa ay qabteen afti dadweyne oo dadka lagu waydiinayay in ay rabaan in jamhuuriyadda ismaamulku ay ku biirto Ruushka.

Ukraine iyo reer Galbeedka ayaa aftida u arkay mid sharci darro ah, halka Ruushka uu si weyn u taageeray. Sida laga soo xigtay saraakiisha maxalliga ah, 95.5% codbixiyayaashu waxay taageereen ku biiridda Ruushka ee Crimea.

Siduu ku soo dhamaaday?

Bishii 18 March , laba maalmood ka dib markii natiijada la daabacay, Putin wuxuu si rasmi ah u saxiixay duullaankii isagoo saxiixay sharci ku daraya Crimea dowlada Federaalka Ruushka.

Weriyaha BBC-da ee John Simpson, oo xilligaas ku sugnaa Crimea, ayaa qoray in uu ahaa duullaankii “u jilicsanaa” ee waqtiyadan casriga ah.

“Howlgalku wuxuu ahaa mid degdeg ah oo dad badan ay la yaabeen,” ayuu yiri Sagramoso.

“Mar kale, sumcadda Putin aad ayey sare ugu kacday Ruushka, sababtoo ah ma jirin wax dhiig ah oo daatay, waxaana loo arkayay inuu yahay mid si heersare ah loo soo agaasimay,” ayuu khabiirku intaa ku daray.

Iyadoo sidaas lagu xaliyay qalalaasaha ka taaganaa Crimea, ayaa waxaa sii xoogeystay iska horimaadkii u dhaxeeyay kooxaha gooni u goosadka ee Ruushka taageersan ee ku sugan gobolka Donbas iyo Ukraine inteeda kale, taasoo keentay in Putin uu qiil u helo duulaankii Ukraine siddeed sano ka dib.

Caannimada Putin ayaa kor u kacday ka dib markii la qabsaday Crimea 2014kii.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Caannimada Putin ayaa kor u kacday ka dib markii la qabsaday Crimea 2014kii.

Duullaanadan ma la barbar dhigi karaa waxa ka dhacaya Ukraine?

Mid kasta oo ka mid ah dagaalladan waxay ahaayeen kuwo gaar ah, laakiin khubaradu waxay hoosta ka xariiqeen dhowr arrimood , oo ay ka mid yihiin aragtida gumeysi ee Kremlin, aragtidooda amniga, iyo ujeeddadada Ruushka ee ah in uu galaangal ku lahaado jamhuuriyadii hore ee Soofiyeedka.

Si kastaba ha ahaatee, waxay ka digayaan, in sababaha duulaanka Ukraine ay “gabi ahaanba” ka duwan yihiin colaadaha kale iyo in “halka uu ku dambeyn doono” ay adag tahay in la saadaaliyo.

Putin waxa uu ku adkaysanayaa in aanu kani ahayn dagaal iyo duulaan toona, balse uu yahay “howlgal milatari oo gaar ah” kaas oo looga gol leeyahay in lagu difaaco dadka ku hadla afka Ruushka ee ku nool gobolka Donbas.

Balse maanta magaalooyinka waaweyn ee Ukraine oo ay ku jirto caasimadda waxaa go’doomiyay ciidamada Ruushka.

“Ruushku waxa uu doonayaa in uu si shuruud la’aan ah isu dhiibaan siyaasad ahan iyo milatariga Ukraine oo dhan. Waxa uu doonayaa in la qabsado oo gebi ahaanba militari ahaan hubka laga dhigo,”ayuu yiri Boulegue oo ah falanqeeye.

Khubaro la hadlay BBC ayaa ku macneeyay in heerka ay gaarsiisan tahay colaadda Ukraine ay adag tahay in la saadaaliyo

XIGASHADA SAWIRKA,GENYA SAVILOV / GETTY

Qoraalka sawirka,Khubaro la hadlay BBC ayaa ku macneeyay in heerka ay gaarsiisan tahay colaadda Ukraine ay adag tahay in la saadaaliyo

Sagramoso wuxuu intaa ku daray in mid ka mid ah farqiga ugu weyn ee duullaanadii Chechnya iyo Georgia uu yahay “soo saaridda shucuureed ee xooggan ee qaran weyn oo lagu duulay.”

“Putin wuxuu si isdaba joog ah u sheegaa xaqiiqda ah in Ukraine iyo Ruushku ay yihiin dad isku mid ah. Isaga, oo aaminsan in oo aan la qaadan karin siyaasad u janjeerta Yurub, ayuu intaa ku daray

Raadinta tilmaamo ku saabsan sida duulaanka Ukraine uu u dhammaan doono sidii wixii ka dhacay Chechnya iyo Georgia waxay u muuqataa mid adag, marka la eego iska caabinta ay sameynayaan dadka reer Ukraine.

“Uma eka in Ukraine ay gacanta ku dhigi doonto, mana garanayno sida saxda ah ee Kremlin-ka ay u tixgelin doonto guusha, inta ay gaari doonto iyo waxa ay noqon doonto xeeladda lagu soo afjarayo dagaalka,” ayuu yiri Boulegue.

Xigasho BBCSOMALI.COM.