Maraykanka oo Venezuela kala hadlaya arrimo Ruushka ka dhan ah

Washington (aftahannews):- Wafti ka kooban Saraakiil sar-sare oo Maraykan ah, ayaa Sabtidii booqday dalka Venezuela si wadahadal loola galo xubno ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Nicolas Mudaro.

Wadahadallada, ayaa ku saabsan sidii Maraykanku uu u dabcin lahaa cunaqabateynta dalkaas oo ah mid ka mid ah dalalka ugu wax-soosaarka badan dhinaca Saliidda.

Afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki, ayaa Isniintii shalay sheegtay in waftiga Maraykanku dood ka galeen arrimo dhowr ah oo ay ku jirto amniga saliidda iyo bedqabka Mawiidiniin Maraykan ah oo dalkaas ku xidhan. Waxaanay xustay in labadaas arrimood ay midba markiisa laga wadahadlay.

Warar laga helay dad wada xaajoodka ka qeybgalay, ayaa warbaahinta u sheegay in wada xaajoodyadu ay bilo ka hor daaha gadaashiida ka sii socdeen, hase yeeshee, ay hadda hore u soo mareen kadib markii Ruushku uu ku duulay dalka Ukraine.