Itoobiya oo guul-darrada ku dhacday 1977-kii ka dhigtay guul ay Xusto

Addis Ababa (aftahannews):- Sannadihii ugu dambeeyay waxaa dalka Itoobiya laga xusayay munaasabad lagu magacaabay “Guushii Kaaraamardha”, taasoo ay u davbaal-dagayeen qoysaska ciidamadii taliskii hore ee Mengisu Hailamariam ee ka qeyb galay dagaalkii 1977-kii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Saddexdii sano ee ugu dambeysay ayay isasoo tarayeen dadka xuskan dhigaya, waxayna qabanqaabiyeyaashu ku doodayeen in maalintaas – oo ay ku tilmaameen mid ay Itoobiya guul usoo hoyatay – la weyneeyo.

Hase ahaatee arrintan waxaa ku kala aragti duwan qoemiyadaha daga dalka Itoobiya oo inta badan isku khilaafa dhacdooyinka taariikhiga ah. Dadka kasoo horjeeda waxaa ka mid ah bulshada ku nool gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kuwaasoo sheegay in aysan raalli ka ahayn dib usoo xasuusashada wixii ka dhacay deegaankooda.

Balse Qowmiyadaha qaar ee xusaya guushaasi Karamadha ee 1977-kii waxay aaminsan yihiin in ay tahay mid Itoobiya ka badbaadisay burbur iyo kala tag, halka qowmiaydda Soomaalida ee dalkaasina ay Kaaramardha u arkaan guul jabhadihii Soomaali Galbeed u halgamaysay ay taariikhda Soomaalida baal dahab ah ugga jiraan.

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa dhankeeda si weyn u tebisay xuska maalinta iyo wararka khuseeya.

Xuska Kaaraamardha ee lagu qabtay Addis Ababa 2022

Balse markii uu dagaalka socday, warbaahinta caalamiga ah, oo uu ka mid yahay wargeyska New York Times, waxay qorayeen in Soomaaliya ay guulo ka gaadhay dagaalladii ka socday agagaarka buurta Kaaraamardha iyo magaalooyin ay ka mid tahay Jigjiga.

‘Guushii ciidanka Soomaalida ee Karamarda’

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada istiraatiijiga ah ee Jigjiga iyo dhulka buuraleyda ah ee ku dhow, tallaabadaas oo ka dhigneyd in ay kala jareen deegaannada ku teedsan buurta Kaaraamardha ee isku xirta dhulka sare ee bartamaha dalka itoobiya, sida uu 27-kii bishii September ee sanadkii 1977-kii qoray wargeyska New York Times.

Ciidamadii Soomaaliya

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Wargeyska ayaa qormadiisa ku sheegay in dowladda Itoobiya ay xilligaas sheeganeysay in ay wali gacanta ku heyso deegaankaas muhiimka ah, dagaal aad u xoogganna uu socday, balse calaamadaha la arkayay ay muujinayeen oo keliya in waxa Itoobiya halkaas ka yaallay ay ahaayeen taangiyo malaayiin doolar ah, gawaarida militeriga iyo rasaas ay ka carareen ciidanka Itoobiya oo u muuqday in ay u baqdeen dhinaca buuraha.

Qabsashada Jigjiga waxay Soomaalida u ahayd tallaabo aad muhiim u ah oo ay guul uga gaareen dagaalka markaas sagaalka iskuuc ka socday gobolka Ogaden, oo ay daggan yihiin Soomaaliya ku nool bariga Itoobiya, sida uu wargeysku xusay.

Maxaa keenay xuska guusha Kaaraamardha?

Guusha Kaaramardha ee Itoobiya ayaa siyaabo kala duwan loo macneeyaa balse inta badan horay uma dhici jirin in la xuso xilliyadii ay Itoobiya ka jireen dowladihii hore.

Feysal Rooble, oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika, ayaa BBC-da u sheegay in dabaaldaggan uu qayb ka yahay isku day lagu marin habaabinayo taariikhda saxda ah.

“Kaaraamardha waa waxa ay amxaarada ku soo hal qabsadaan guusha ay iyagu tirsadaan ee ah dagaalkii 1977-kii, oo Soomaalidu ay qabsadeen Jigjiga iyo inta badan Diridhaba, magaalada Addis Ababa-na loo jiray wax aan ka badneyn 70km, marka waxay rabaan in ay taariikhda si kale u akhriyaan oo ay ka dhigan meel ay iyagu guul kusoo hoyiyeen,” ayuu yidhi.

Dagaalkii 1977

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Rooble ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ay qayb ka tahay olole uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee hadda waddanka xukuma, Abiy Axmed.

“Labo arrimood baa keenay. Midda koowaad waa Abiy oo siduu xukunka ula wareegayba u hanqal taagay dib usoo celinta taariikhdii amxaariga ahayd ee Itoobiya lagu gumeysanayay. Tan labaadna waa in madaxweynaha deegaanka Soomaalida uu muujiyay calool jileec, halka qowmiyadaha kale, sida Oromada ay iska diideen waxyaabaha daldaloollada ah,” ayuu yidhi.

Miyey jirtay Guusha?

Isla su’aashaas oo aan weydiinnay Faysal Rooble, waxa uu sheegay in guusha la sheegayo aysan jirin, balse ciidamo ka socday midowgii Soviet ee Warsaw, oo uu Ruushku uu hoggaaminayay, ay xilli habeennimo ah halkaas soo galeen, waxayna dhulkii u qabteen oo ay dib ugu celiyeen ciidamada Itoobiya.

Waxaanu Faysal oo sharraxayaa yidhi; “Runtii xilligaas Soomaaliya aad bay uga xoog weyneyd. Waxaa kale oo jiray Jabhadihii Soomaalida iyo Eritrea oo dhinaca kale qabsatay. Marka guushu ma jirin, laakiin kooxdii la oran jiray Huwantii Warsaw oo Ruushku ugu tun weynaa, Cuba, East Germany, Juguslavakia, Yugoslavia, Hungary, Bulgaria iyo intan hadda Ruushka ka baxday oo dhan.”

“Ugu yaraan dhowr iyo labaatan dal oo garabka Ruushka ahaa, oo xitaa ay Yemen ku jirto, ayaa habeen madow kusoo dul dagay. Guul ay amxaaro gaadhay ma jirin laakiin waxaa u qabtay xulafada Warsaw.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Rooble.

Xigasho BBCSOMALI.COM.