Itoobiya oo lagu qabtay Xusay loogu yeedhay Guushii Kaaraamardha ee Dagaalkii 1977

Xuska Kaaraamardha ee lagu qabtay Addis Ababa 2022

Addis Ababa (aftahannews):- Dowladda Itoobiya, ayaa shalay xustay waxa ay ugu yeedhey ‘guushii Kaaraamardha’ ee dagaalkii 1977-kii, halkaas oo ay Ciidammadii Mingistu ku xasuuqeen boqollaal shacab Soomaaliyeed ah oo u badnaa Odayaal dhaqan iyo Aqoonyahan deegaanka Soomaalida u dhashay.

Fagaaraha loo yaqaan ‘Beerta Saaxiibtinimada Itoobiya iyo Kuuba’ ee magaalada Addis Ababa oo xuska lagu qabtay, ayey kasoo qayb-galeen Safiirka Cuba ee Itoobiya iyo xubno kale, oo sheegay inay guul gaadhay Itoobiya dagaalkii Kaaraamardha.

Xuskan, ayaa laga sheegay in guul weyn ay Itoobiya gaadhay 1977-kii, isla markaana ay buurta Kaaraamardha ee duleedka Magaalada Jigjiga ku jabisay waxay ku sheegeen dad kusoo duulay, waxaana xuskan dabada ka riixayey oo abaabulay Axmaarada Xagjirka ah oo Shuhaadadii Soomaali Galbeed ama WSLF ee xornimada dhulka Soomaali Galbeed amma deegaanka Soomaalida u dagaallamayay ku tilmaama Argagixiso dhulkooda ku soo duushay.

Intii uu socday dagaalkii WSLF iyo Itoobiya sannadkaas, waxa buurta Kamardha lagu xasuuqay odayaal laga soo ururiyey magaalada Jigjiga oo inta hal goob la iskugu geeyey baas ay ku fureen ciidamada Itoobiya.

Maalintan oo ay shacabka Soomaaliyeed ku xasuustaan murugo iyo hal-doorkoodii oo ay Itoobiya laysay, ayaa waxa dhinaca Addis Ababa looga dhigayaa fantasiye iyo dabbaal-degyo.

Xukuumadda deegaanka Soomaalida, ayaan wax war ah kasoo saarin arrintan, iyadoo horena ay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Abiy Ahmed usoo jeediyeen in Buurta Kaaraamardha Taallo looga dhiso waxa ay ugu yeedheen ‘Geesiyada soo hooyey guushii 1977-kii’ oo ay ula jeedaan Mingistu iyo Askartiisii xasuuqday shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha deegaanka Soomaalida iyo Xukuumaddiisa, ayaa shacabka Deegaanku dhawrayaan siday uga falceliyaan dabbaaldegyada iyo hadallada xasuuqaas lagu xasuusinayo shacabka Soomaaliyeed.