Madaxweynihii hore ee Koonfur-galbeed oo loo diiday inuu Baydhabo u dhoofo

Muqdisho (aftahannews):- Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ahaana Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa saaka laga hor istaagay in uu ka duulo garoonka Aadan Cadde, isagoo ku wajahnaa magaalada Baydhabo

Shariif Xassan, ayaa doonaya inuu u tartamo kursi yaala Magaalada Baydhabo oo uu horay ugu fadhiyay wiilkiisa. Balse, waxa uu sheegay in Diyaaraddii qaadi lahayd loo diiday, amarkana uu bixiyey Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Inkasta oo wasaaradda amniga Soomaaliya ay soo saartay warqad Shariif Xasan loogu oggolaanayo inuu ilaalo gaar ah iyo hub u qaato magaalada Baydhabo, haddana isagii iyo ciiddankiisaba looma oggolaan in ay ka duulaan garoonka diyaaradaha Muqdisho. Balse, Shariif Xasan wuu beeniyey inuu ciidan iyo hub watay.

Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu laanta Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in Duuliyaha diyaaraddii uu raaci lahaa uu u sheegay in Madaxwaynaha Koonfur-galbeed uu ka soo fulay amarka loogu diiday in uu u duulo Baydhabo.

“Anigu waxaan rabay in aan Baydhabo aado, maaddaama oo kursiga reerkeygu ay ku calaamadeysan yihiin lasoo dhajiyay oo uu yahay Hop261, Tolkeygana wey ii yeedheen in aan Baydhabo aado. Maanta ayaan diyaaraddii ballansanayn, markaa diyaaraddii masoo kici karta baa la yidhi, masoo qaadi kartid baa lagu yidhi ninkii duuliyaha ka ahaa diyaaradda. Laakiin,  waxaan rabay in aan ka qeybgalo, waana la diiday in aan meesha tago.” ayuu yidhi Shariif Xasan SheekhAadan.

Xayiraada lagusoo rogay waxaa la sheegayaa inuu ka dambeeyo maamulka koonfur-galbeed oo hore sidaas oo kale Baraawe uga celiyay,Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee barlamaanka Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaaday, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey.

Cabdiweli Muudey oo kursigiisu yaallay magaalada Baraawe, ayaa laga hor istaagay inuu tago halkaas, waxaana maalin kadib kursigii uu ku fadhiyay loo doortay musharrax kale.

Koonfur Galbeed, siyaasiyiin badan oo muddo dheer ku soo jiray Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa tartanka doorashada laga reebay, iyagoo kuraastoodii loo doortay wajiyo cusub oo u badan dhallinyaro aan horey siyaasada ugu jiri jrin.

Dadka Magaca leh ee tartanka sida badheedhka ah looga reebay, waxaa ka mid ah Guddoomiyihii Golaha Shacabka Professor Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo markii inuu tartamo loo diiday sheegay inaanay Baydhabo oollin gogol Nin gob ahi Kursi u doonto.