Madaxweyne Biixi oo si adag ugu Jawaabay Shiinaha iyo Soomaaliya

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay Soomaaliya ku hayso dagaal badan oo ay kagala dagaallamayso dhinacyada horumarka iyo xidhiidhada ay caalamka kale la yeelanayso Somaliland, kaasoo uu ku tilmaanay mid aanay waxba ku yeeli karin, balse cadaawad uun sii abuuraya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabaya hadallo ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya mar uu maanta furay xarun lagula socon doono Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka oo Hargeysa laga sameeyay, ayuu sheegay inaanay Somaliland waxba u yeedhin karin Maamulka Xamar iyo Dowladda Shiinaha midkoodna

“Waad la socotaan qoladaa markii hore aynu isku dawladda ahayn imikana isku magaca dhawnahay ee Xamar ka talisa dagaalada ay ku jiraan waxaad kala socotaan saxaafadda, Somaliland maalinta wax yar oo horumar gaadhaanba dagaalka u badan bay qaadaan.” Sidaaayuuyidhi MadaxweyneBiixi.

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan u sheego qolada Xamar, Chinuhu iyagoo wasiir ku xigeenkoodu socdo oo noo yimi baanu ku nidhi, oo haddana ku leenahay ciddina luqunta na qaban mayso oo waxa aanan doonayn noo tilmaami mayso, cidda aanu la xidhiidhayno, ciddina noo sheegi mayso.”

Waxa uu Madaxweyne Biixi difaacay hadal Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ka sheegay Taiwan mar wafti uu hoggaaminayaa dalalkaas joogeen bishii hore,  kaas oo uu ku sheegay inaan Somaliland waxba u yeedhin karin Shiinaha iyo Soomaaliyaba.

“Sidii waftigii Wasiirka khaarajigu u sheegeen Taiwan, maaha go’aan shakhsi, Wasiir iyo guddi ka soo baxay, wuxuu kasoo baxay qof kasta oo Somaliland ah da’a kastuu yahay iyo meel walba uu joogo.” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Mar uu Madaxweyne Biixi ka hadlayey goosashada Somaliland Soomaaliya goonida ugaga istaagtay sababta keentay, waxa uu yidhi; “Tanna (Somaliland) wixii ka dhacay iyo waxay u goosatay aabba-yaashiin iyo awoow-yaashiin waydiiya, Somaliland mid cid loogu hanjabo maaha Ilaahay bay aaminsan tahay Xoriyadeeday ilaashanaysaa halkaasay taagan tahay, ninkii hadlayna waa ina iska haddle”.