Askari Kufsaday Gabadh Xaaskiisu dhashay oo lagu Xidhay Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya

Hargeelle (aftahannews):- Askari ka tirsan Ciidanka gaarka ah ee dowlad-degaanka Soomaalida Itoobiya ee  Liyuu Booliska, ayaa la xidhay ka dib markii lagu eedeeyay inuu kufsi u geystay Gabadh 12 jir ah oo ay dhashay Xaaskiisu.

Falkan oo ka dhacay degmada Hargeelle ee gobolka Afdheer ee dowlad-deegaanka Soomaalida, ayaa la sheegay in gabadhan yari uu kufsaday nin ay wada joogaan hooyada dhashay gabadha la kufsaday, waxaana la sheegay in dhawr jeer uu dhacay falka kufsigu, isla markaana gabadhan yari ay intii hore cabsanaysay, maadaama ninku ahaa Askari, balse markii uu xanuunku ka batay ay arrinka shaacisay.

Gaashaanle Qorane Cabdulaahi oo baadhaha Booliska gobolka Afdheer ah, ayaa BBC u sheegay in Booliska ay arrintani soo gaadhsiisay gabadh habeenkii marti u noqotay xaafadda gabadhan yar, oo arrinta kufsiga indhaheeda ku arkaysay, sidaana gabadhii yarayd booliska ugu soo gudbisay, si iyaduna ay booliska ugu sheegto siday wax u dhaceen.

Geesteeda, Madaxa Xafiiska Haweenka ee degmada uu falkani ka dhacay ee Hargeelle Nasra Sheekh Cumar oo BBC Somali la hadashay, oo sheegtay arrinta gabadhan yari inay aad u damaqday, ayaa xustay inay u taagan tahay sidii ay gabadhan yari caddaalad u heli lahayd, eedaysanahana ciqaabtii ku haboonayd loo marsiin lahaa.

Askariga ku eedaysan kiiska gabadhan yar oo kufsi ah, ayaa hadda ku jira xabsiga degmada Hargeelle ee gobolka Afdheer ee dowlad degaanka Soomaalida.

Arrimahan noocan oo kale ah ee Kufsiga ama fara xumaynta Carruurta loo geysanayo, oo sannadahan dambe ku soo badanaya dhulka  Soomaalida, ayaa inta badan ahaan jiray kuwo aan soo dhaafin Qoyska amma guriga dhibku ka dhacay.

Haseyeeshee, arrintan ayaa noqotay mid xanuunkeeda leh, oo dad badan oo xuquuqda Haweenka iyo Carruurta u doodaa ay aad uga qayliyeen, isla markaana la dhawrayo sida ay gabadhaas yar ee 12 jirka ahi caddaalad u hesho.