Xildhibaanka Aqoonsiga Somaliland dhex geeyay Baarlamaanka UK oo Abaalmarin la siiyey

London (aftahannews):- Gavin Williamson, oo ah Xildhibaankii Baarlamaanka UK hor geeyay mooshin aqoonsi loogu raadinayo Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta loo yaqaanno “knight” ee ay boqortooyada Ingiriisku siiso shakhsiyaadka lagu sharfo adeegga ay qabteen.

Qofka abaalmarintaas la siiyo ayaa magaciisa laga hormariyaa “Sir” oo muujineysa in uu darajadaas gaadhay.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha UK, ayaa shaaciyay warka ku saabsan abaalmarinta xildhibaanka, kaasoo ay markii dmabeyna sii faafiyeen warbaahinta.

Mr Williamson, oo ah xildhibaanka Koonfurta Staffordshire, ayaa horay labo jeer looga qaaday xilal wasiirnimo, waxaana laga eryay shaqada xukuumadda.

Gavin Williamson
Gavin Williamson

Bishii September ee sanadkii 2021-kii, Ra’iisul Wasaaraha hadda xilka haya ee UK, Boris Johnson, ayaa Gavin Williamson shaqada wasiirnimada ka eryay kadiib markii uu isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirrada. Waxa uu markaas ahaa Wasiirka Waxbarashada ee UK, oo uu hayay intii u dhaxeysay 2019-kii ilaa 2021-kii.

Xilligaas ka horna waxa uu ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga ee UK.

Waxa uu jagada wasiirka waxbarashada hayay inta badan waqtigii uu jiray cudurka safmarka ah, waxaana si weyn loogu dhaliilay inuu waxba kama jiraan kasoo qaaday natiijada fasallada A-levels iyo GCSEs, labo sano oo xiriir ah. Sidoo kale waxaa lagu cambaareeyay xiritaanka iskuullada.

Mr Williamson ayuu magaciisa Soomaalida aad ugu dhex faafay kaddib markii uu bishii Jnauary ee sanadkan Baarlamaanka UK hor geeyay mooshin uu ku doonayay in madaxbannaanida Somaliland lagu aqoonsado.

Baarlamaanka ayaa ka dooday mooshinkaas, hase yeeshee dowladda UK ayaa ku adkeysatay mowqifkeeda ku aaddan in arrinta la xiriirta aqoonsiga Somaliland ay tahay mid go’aankeeda ay leeyihiin mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo kuwa Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

2019-kii ayuu booqasho ku tagay Hargeysa, isagoo markaas ahaa wasiirka gaashaandhigga ee UK, waxa uuna la kulmay madaxda Somaliland ee uu ka mid yahay madaxweyne Muuse Biixi.

Gavin Williamson iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi 2022
Gavin Williamson iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi 2022

Williamson ayaa eedeymo kale ku waayay xilka wasiirka gaashaandhigga ee UK.

Ra’isulwasaarihii hore ee UK Therasa May ayaa xilka ka qaadday Gavin sanadkii 2019-kii kadib markii ay ku eedeysay in uu saxaafadda u dusiyay waxyaabo looga hadlay shirka amniga qaranka UK.

Gavin waa xubin sare oo ka tirsan xisbiga Conservative ee haya talada dalkaasi UK, wuxuuna ahaa madixii ololaha hoggaaminta ee Ra’isulwasaare Boris Johnson sanadkii 2019-kii.

Gavin ayaa xiligaasi ka hor ahaa xoghayaha gaashaandhiga UK xilligii Ra’isulwasaare Therasa May, hase yeeshee xilka laga qaaday.

Gavin ayaa markii uu Boris xilka qabtay loo magacaabay xoghaya waxbarashada, taas oo markii dambe laga qaaday.

Inta uu wasiirka gaashaandhigga ahaa waxa uu booqasho ku tagay Soomaaliya, balse ma uusan dhaafin xerada Xalane ee u dhow garoonka diyaaradaha.

Xigasho BBCSOMALI.COM.