Itoobiya oo dib-u-dejin u samaynaysa Muwaadiniinteeda Sucuudiga laga soo celinayo

Addis Ababa (aftahannews):- Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Demeke Mekonnen, ayaa shaaca ka qaaday diyaargarow ay dowladdu u gashay sidii 102,000 oo Itoobiyaan ah looga soo celin lahaa Boqortooyada Sacuudiga saddexda toddobaad ee soo socda, dib-u-dejinna loogu samayn lahaa.

Guddiga heer qaran ee uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii loo soo celin lahaa dadka Itoobiyaanka ah ee ku dhibaateysan dalka Sacuudiga oo ay ku jiraan xaalado kala duwan.

Guddigan ayaa ka kooban 16 xarumood oo dawli ah oo ay ku jiraan guddiga qaran ee ka hortagga khatarta masiibooyinka, wasaaradda haweenka iyo arrimaha bulshada, wasaaradda shaqada iyo xirfadaha iyo wasaaradda caafimaadka iyo kuwo kale.

Kulan wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Demeke Mekonnen.

Ka soo qayb galayaasha shirka ayaa ka dooday qorshaha dib u celinta ee ay soo diyaariyeen guddiga qaranku.

Intii ay socotay doodda ayaa waxaa ka hadlay ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Demeke Mekonnen oo sheegay in ilaalinta badqabka dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool dalalka shisheeye ay tahay waxa ugu weyn ee dowladdu ay diiradda saarto diblomaasiyadda ku saleysan muwaadiniinta.

Waxaa ilaa hadda wada-hadallo u dhexeeya dawladda Sucuudiga iyo weftiga Itoobiya ka socda ee ka kooban culimaa’uddiinka, masuuliyiin ka tirsan dawladda iyo qaybaha bulshada, kuwaas oo ku saabsan sidii dadka waddankooda loogu soo celin lahaa xaalad adag.

Marka laga soo tago isu keenida dadka soo laabanaya iyo qoysaskooda, dowladdu oo kaashanaysa hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin ayaa dawladdu dib u soo celin doontaa, dib u dayactirna u samayn doontaa dadka soo laabtay si waara, ayaa lagu tilmaamay munaasabadda.

Waxaa kulanka lagu sheegay in ilaa 750,000 oo Itoobiyaan ah ay hadda ku nool yihiin dalka Sacuudiga, kuwaas oo 450,000 oo ka mid ah ay ku shaqeystaan ​​sharci la’aan.

Dowladda Itoobiya, ayaa illaa hadda kumanaan Muwaaddiniinteeda ka mid ah ka soo celisay Sucuudiga bilihii lasoo dhaafay, kuwaas oo dalka gudihiisa dib-u-dejin loogu sameeyey.

aftahanmursal@gmail.com

Aftahannews.com.