Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo si diirran loogu soo dhaweeyey Boorama

Boorama(Aftahannews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Wasiirro ka mid yihiin, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo uu dadweynaha kagala qaybgeli doono Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18-ka May oo Axadda Berri si weyn looga xusi doono guud ahaan dalka.

10388443_715123361885249_2087064239_n

10374336_715123351885250_1860772034_n

Madaxweyne ku-xigeenka oo Weftigiisu isugu jiray Wasiirro, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan, kuwaasoo ay ka mid yihiin Wasiirrada Xidhiidhka Golayaasha Qaranka, Xannaanada Xoolaha, Biyaha iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada, ayaa galabta gaadhay magaalada Boorama, waxaana Madaxweynaha iyo Weftigiisa ay dadweynaha reer Boorama iyo gobolka Awdal kaga hor-yimaaddeen Degmada Dila oo 28KM dhinaca Beri kaga beegan Boorama oo ku taallada waddada laga galo.

Md. Cabdiraxmaan-Saylici iyo Weftigiisa waxaa dadweyne tiro badan oo soo dhaweeyey ay gaadiid tiro badan ugu gelbiyeen dhinaca gudaha magaalada Boorama oo uu berri dadweynaha kagala qaybgeli doono haddii Illaahay yidhaahdo dabbaal-degga 23-guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si kooban Saxaafadda ula hadlay, waxaanu sheegay inuu u mahad-celinayo dadweynaha ku dhaqan Magaalooyinka Boorama illaa Hargeysa u dhexeeya oo uu sheegay in isaga iyo Weftiiga ay si diirran ugu soo dhaweeyeen intii uu jidka marayay.

Waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenku intaa ku daray in ujeeddada socdaalka isaga iyo Weftigiisu ku tageen tahay inay dadweynaha reer Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal ay kala qabygalaan Xuska 23-guurada Maalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland oo Berri si weyn dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba looga xusi doono haddii ILLAAHAY yidhaahdo, waxaanu guud ahaan Somaliland u rejeeyey in Illaahay sannadka sannadkiisa ku gaadhsiiyo nabad, barwaaqo, midnimo iyo aqoonsi ay caalamka ka helaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.