Djibouti iyo Somalia oo ka soo Horjeestay Dagaalka Ruushka ee Ukraine

New York (aftahannews):- Soomaaliya iyo Djibouti,  ayaa ka mid noqday 141-ka wadan oo u codeeyay qaraar lagu cambaareynayo duulaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine.
Codeynta, ayaa dhacday xilli uu socday kalfadhi gaar ah oo ay yeesheen golaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. 
Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Qaramada Midoobay, ayaa dalbaday in si degdeg ah dhammaan ciidamada Ruushka looga saaro dhulka Ukraine.
Afar Dal oo keliya, ayaa Ruushka ku biiray codeynta ka dhanka ah qaraarka, waxaanay kala yihiin:- Belarus, North Korea, Eritrea iyo Syria, halka 35 waddan oo kale ay ka aamuseen  qaraarka lagu cambaareeyey Ruushka.
Dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Israa’iil oo ah labada saaxiib ee Mareykanka ugu dhaw oo hore loogu dhalliilay inay diideen inay ka hadlaan duullaanka Ruushka, ayaa sidoo kale u codeeyey qaraarka lagu cambaareeyay duullaankaRuushka.