Dhibaatooyinka Carruurta Tigraygu kala Kulmeen Dagaalka oo Kordhay

Mekelle(aftahannews):- Khubaro caafimaad oo la hadlay Weriye ka tirsan warbaahinta Deutsche Welle (DW) oo ku sugan magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray, ayaa sheegay in dagaalka ka socda gobolka Tigraay uu khasaare u geystay Carruur badan.

Warbaahinta DW oo soo xiganaysa xirfadlayaal caafimaad iyo goobjoogayaal marqaati ahaa, ayaa sheegay in tan iyo markii uu dagaalka Tigray ka billowday Noofambar 2020, carruurtu ay soo gaareen dhaawacyo jireed, galmo iyo waxyeela maskaxeed.

Dhakhaatiirta caafimaadka ee isbitaalka Ayder Referral Hospital ee magaalada Mekele, ayaa sheegay in 139 caruur ah oo ka yimid magaalada Mekelle iyo nawaaxigeeda oo kaliya ay u yimaadeen isbitaalka si ay u daaweeyaan dhaawacyo ka soo gaaray hub 16-kii bilood ee u dambeeyay ee dagaalka. 11 ka mid ah carruurtan ayaa dhimatay.

39 carruur ah oo dheeraad ah ayaa si joogto ah u naafoobay, waxaana intaa dheer carruur aan tiro lahayn ayaa hadda halis ugu jira macaluul, waxay la kulmaan tallaal la’aan iyo daawo la.aan, halka kuwa kale laga soocay waalidkood ama dadka masuulka ka ah.

11kii Juunyo ee sannadkii hore, Henrietta Fore, oo ah Agaasimaha Fulinta ee UNICEF, ayaa ka digtay “haddii aan la helin gargaar bini’aadantinimo si aan kor ugu qaadno jawaab-celintayada, qiyaastii 33,000 oo carruur ah oo ay hayso nafaqo-xumo ba’an oo ku nool meelaha aan hadda la gaari karin ee Tigrayga waxay halis sare ugu jiraan geeri.”

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambaysay ee bini’aadantinimo ee ka soo baxday Qaramada Midoobay, sahay nafaqeed oo loogu talagalay daawaynta nafaqo-xumada ba’an ee carruurta yaryar ayaa la gaadhsiyyay gobalka Tigray, waana markii ugu horreysay tan iyo bartamihii Disembar.

Si kastaba ha ahaatee, wax cunto qaybin ah lama soo sheegin intii u dhaxaysay 17 iyo 23kii Febraayo, maadaama cuntada iyo shidaalka gobolku gabi ahaanba dhammaaday.

Aftahanmursal@gmail.com

Aftahannews.com.